Shirkaddii Somali Airlines oo Sanadkaan dib loo Howlgelin doono 22 Sano kadib

Muqdisho (KON) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u Howlgelineyso Shirkaddii Duulimaadka Somali Airlines, 22 Sano kadib.
Warar Keydmedia Online

Wasaarada warfaafinta, Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka oo ayaantaan ku Mashquulsaneed sidii losoo celin lahaa Somali Airlines ayaa sheegtay in Shaqadii Diyaarada ay bilaaban doonto Sanadkaan.

Wasaarada waxey sheegtay in illaa Afar Diyaaradood ay ku Howlgelineyso Shirkadii diyaaradaha Soomaaliyeed ay diyaar yihiin, taasoo ku tegi doonta dalalka caalamka duulimaadyo kala duwan.

"Dadaalkaasi meel fiicanbuu ino marahayaa haddaan ku hormaro Somali Airlines ilaa iyo Afar diyaaradood ayaan hadda balanqaad u heysanaa in ay howlgalaan,  waxaan rajeyneynaa sanadkan oon dhamaan inaan howlgelino Somali Airlines sida hadda uu qorshuhu yahay idanka ilaaheey duuliyayaalna wey noo joogaan wadanka oo liiskoodaan helnay’’ Ayuu yiri Wasiirka warfaafinta, Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi.

Dadka haatan degan xarumaha Shirkadda Somali Airlines ayaa laga marlabaad laga Codsaday inay baneeyaan si loogu shaqeeyo.

Ciilmooge ayaa tilmaamay in dib u howlgelinta shirkadda duulimaadyada ee Somali Airlines ay soo celindoonto heybadii iyo karaamadii ay Soomaaliya ku laheyd duulimaadyada caalamiga ah.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.