Shirkii Dhuusamareeb oo dib ufurmay markale

Shirkii ka socday xarunta dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa dib uga furmay halkaasi, kaddib markii uu hakad ku yimid shirka oo galay maalintii labaad.

Warar Keydmedia Online
Shirkii Dhuusamareeb oo dib ufurmay markale

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa la aaminsan yahay in cadaadiska Beesha Caalamka awgiis uu sabab u yahay in uu mar kale dib uga furmo magaalada Dhuusamareeb wadahadaladii ku aaddanaa Doorashooyinka ee halkaa ka socday labadii maalin oo u dambeysay.

Shirka ayaa hakad ku yimid kaddib markii madaxweyne Farmaajo uu ka cusleystay guda-galka arrinta ku aaddan gobolka Gedo, taasina waxay sababtay in shalay galinkii dambe uu Axmed Madoobo kasoo qeyb gali waayo shirkii ka socday xarunta madaxtooydada dowlad goboleedka Galmudug.

Beesha Caalamka ayaa war murtiyeed kasoo saartay shirka Dhuusamareeb, waxayna madaxda ka qeyb galeysa shirka ku war galiyeen in aysan kasoo kala tagin Dhuusamareeb iyagoo aan heshiis gaarin, waxayna ku adkeeyeen madaxda in xal la gaaro, maadaama dadka Soomaaliyeed loo daneenayo.

Shirka ayaa maalintii saddexaad galay waxaana sida markii hore loo qorsheeyay shirka loogu talagalay inuu socdo muddo Saddex cisho ah, inkastoo waqtigii uu iclaamiyay madaxweyne Farmaajo ee ahaa 1-3 Febaraayo uusan qabsoomin, haddana waxaa la shaaciyay in 3-5 Febaraayo uu socon doono, waxaana la sugayaa in la soo gabagabeeyo maanta.

Hayeeshee waxaa suura-gal ah in maalmo dheeri ah lagu daro shirka oo u muuqda mid xasaasi ah, dhinacyada ku kala aragtida duwana aysan u muuqan wax tanaasul ah, balse waa suuragal in waqti dambe la helo tanaasul dhinacyada isku haya doorashada ee Dhuusamareeb shirka u fadhiya.

Arrinta ku saabsan Gobolka Gedo ayaa ah qodobka ugu adag ee shirka, iyadoo ay muhiim tahay dhammaan arrimaha la xiriira heshiiskii 17 -ka Seprember in xal laga gaaro, waana sida ay beesha caalamku ku cadaadinayaan madaxweyne Farmaajo, waxayna horay u sheegeen wax ka baxsan heshiiskii 17 -ka September in aan la aqbali doonin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.