Shirkii Farmaajo ku baaqay oo baaqday “Sabab la’aan”

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa ku baaqay Shir ay yeelanayaan madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Benaadir, waxa uuna baaqday iyadoo aan la shaacin wax sabab ah.

Warar Keydmedia Online
Shirkii Farmaajo ku baaqay oo baaqday “Sabab la’aan”

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday Farmaajo ayaa ku guul darreystay mar kale qabashada shir muhiim ah oo looga hadli lahaa doorashooyinka dalkaas kuwaasoo ilaa hadda uu ka taagan yahay Muran xoog leh.

Farmaajo wuxuu xoogga saaray sidii uu kusoo laaban lahaa, wuxuuna isku dayay inuu maamulo kuraasta xildhibaanada oo dhan marka laga reebo Puntland kuraasta taal.

Shirkii 17 September 2020 ee lagu qabtay Muqdisho wixii ka dambeeyay Farmaajo marna ma ogolaan in laga heshiiyo muranka ku saleysan kuraasta Gedo, kuwa Somaliland & Guddiga doorashooyinka.

Shirkii Dhuusamareeb 4, Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday ayaa cagta ku dhuftay oo ciideeyay, sidoo kale wuxuu ku dhawaaqay shir kale oo la isugu imaanayo Garowe, hayeeshee madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Deni ayaa diiday marti gelinta shirkaas.

Ugu dambeyntii waxaa lasoo magacaabay guddi farsamo oo ku shiray magaalada Baydhabo, waxayna soo gaareen heshiis aan la shaacin, kaasoo ugu dambeyntii markii la saadaalinayay la jaray qadkii Internet ka ee Baydhabo.

Farmaajo wuxuu ku baaqay shir 18-19 Febaraayo lagu qabanyo Muqdisho, hayeeshee ilaa iyo hadda shirkaasi la iskama wareysan, sabab la'aan ayuu ubaaqday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.