KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Villa Somalia, gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha ayaa dagaal dhinac walba ah kula jirta Musharaxa, oo shantii sano ee lasoo dhaafey aad u dhaliilayay siyaasadda MW hore Farmaajo.
MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka Wadajir ayaa loo dhigay shirqool looga reebayo inuu ku biiro Baarlamaanka 11aad.
C/raxmaan oo u tagey Dhuusamareeb kursiga sumadiisu tahay HOP#138, ayaa lagu furey jahwareer kadib markii soo baxdey dood ku saabsan in kursiga laga dhigo qoondada haweenka.
Fahad Yaasiin iyo Farmaajo ayaa ku cadaadinaya MW Qoor-Qoor in Kursiga HOP#138 ee u tartamayo C/raxmaan loo xiray haweenka, si damaciisa inuu Xildhibaan noqdo meesha uga baxo.
Beesha uu C/raxmaan C/shakuur ka dhashay waxay leedahay saddex Kursi oo Gollaha Shacabka ah, midkii ugu horeeyay HOP#139 waxaa ku fariistay C/samad Maclin Maxamuud.
Labada hartay oo kala ah HOP#147 oo Mahad Salaad u tartamayo iyo midka C/raxmaan C/shakuur raadinaya ee HOP#138, kaasoo horey ugu fadhiyay ganacsade Saciid Nuur Gariish.
Ganacsadaha ayaa u tanaasuley C/raxmaan, maadaama uu yahay dhibane siyaasadeed, oo Farmaajo ku dhibaateeyeen awoodda dowladda, isagoo looga faa'ideystay xasanaad la'aanta.
Lama oga inuu Qoor-Qoor u hogaansami doono amarka Fahad iyo Farmaajo oo C/raxmaan ka celin doono tartanka iyo inuu diidi doono, Si kastaba, waxaa la arki doonaa maalinta la dooranayo kursiga HOP#138 ee 14-ka Feb, oo ka harsan maanta oo kaliya. Hadii CC Warsame Xildhibaan noqdo, waxay ka dhigan tahay guul-darro usoo hooyatay Farmaajo.
Berri waxaa sidoo kale Dhuusamareeb lagu dooran doonaan Kursiga uu u tartamayo Kulane Jiis, ee HOP#40, kaasoo loo xiray, kadib markii Qoor-Qoor lagu qasbay, sida KON ogaatay. Haddii Kulane Jiis kusoo baxo kursiga wuxuu noqonayaa mas'uulkii 2aad ee ugu sareeyo hogaanka NISA oo Baarlamaanka ku biira, waxaa ka horeeyay Yaasiin Fareey.
Fahad Yaasiin ayaa isna noqon raba Xildhibaan dhawaan, waxaana uu kusii jeedaa Beledweyne, oo kursigiisu yaallo, iyadoo Madaxda NISA oo dembiyo ka galay dalka ay raadinayaan xasaanad ay uga baxsadaan cadaalad iyo in la maxkamdeeyo mustaqbalka.
Fahad Yaasiin, Yaasiin Fareey iyo Kulane Jiis waxay ku eedeysan yihiin dilal badan oo ka dhacay Muqdisho, oo uu ku jiro midkii Ikraan Tahliil, waxayna ku gambanayeen awoodda dowladdii Farmaajo, ee waqtiga ka dhamaadey.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.