Sidee Beyle ku waayay Kursiga Gollaha Shacabka?

Waxaa Maanta Teendhada Afisyooni ka dhacday doorashadda horey loo ogaa cida kusoo baxaysa, taasoo ka muuqatay musuq-maasuq iyo tartan la'aan.

Warar Keydmedia Online
Sidee Beyle ku waayay Kursiga Gollaha Shacabka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Loolanka Farmaajo iyo Rooble ayaa galaaftay kuraasta Xildhibaanno badan, oo labada dhinac u kala saftay, waxaana kamid ah Wasiirka Maaliyadda Beyle.

Beyle ayaa ogaa in tartanka looga adkaanayo, sidaas darteed maba tagin goobta doorashadda, oo ragga maamulayay u diyaariyeen Kursiga Musharax kale C/llaahi Xaashi Abiib.

Maamulka Dhaqaalaha dalka Saaxiibo badan ayaan horey ugu waayay, Maantana waxaan ku waayay Kursigeyga hope201," ayuu yiri Beyle.

Beyle ayaa lagu tirayaa ragga ku dhaw Villa Somalia, maadaama Rooble Gudiyada doorashadda isaga gacanta ku dhigay, waxaa daaqada ka baxaya dhamaan saaxiibada Farmaajo.

Todobo kursiga ayaa Maanta lagu doortay Muqdisho, oo tartan la'aan kusoo baxay doorashadda, iyadoo ka dhacday tanaasul, maxaa yeelay Musharixiin malxiis ah ayaa la keensaday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.