KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dowlado iyo hay’ado waaweyn ayaa ka falceliyay weerarkii Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ay ka fulisay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaasoo ay ku naf-waayeen in ka badan 100 ruux, kuna dhaawacmeen ku dhawaad 300 oo kale.
MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar ka mid ah Dowladaha waaweyn ee daneeya Arrimaha Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan Maraykanka iyo Ingiriiska iyo hay’ado caalami ah ayaa si weyn uga falceliyay qaraxyadii Sabatigii Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho.
Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay weerarka, Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Jake Sullivan oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa weerarka ku tilmaamay, “mid aan laga fiirsan ee loo geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan”.
Wasiirka Arrimaha Dibadda UK James Cleverly, ayaa dhankiisa cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay “mid fulaynimo ah” isla-markaana xusay in Ingiriisku la muragoonayo qoysaska iyo asxaabta dadkii sida xun loogu dilay looguna dhaawacay qaraxyadii Soobbe.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sidoo kale si weyn loogu cambaareeyay weerarkaas. Dowladda Turkiga ayaa ehellada iyo qaraabada dadka wax-yeelladu gaartay iyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyaysay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa iyana si kulul u cambaareysay qaraxyadii “argagixiso” ee ka dhacay agagaarka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Sabtidii, Waxayna Wsaaraddu sheegtay in Sacuudigu si buuxda u garab taagan yahay Soomaaliya.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa dhankiisa u direy tacsi dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhibaatadii kasoo gaartay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo carabka ku dhuftay in shacabka Kenya ay garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dhankiisa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibbanayaasha oo ay ku jiraan shaqaalaha hay’adda Qaramada Midoobay, sida uu byaan ku sheegay afhayeenkiisa Stephane Dujarric.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u tahay in ay Dawladda Soomaaliya ka caawiso daweynta dadka dhaawaca ah, Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaana sheegay inay Soomaaliya u dirayaan gargaar caafimaad oo deg deg ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay sheegay in dhimashada oo wali sii kordheysa ay kor u dhaaftay 100 ruux, halka dhaawucuna uu ku dhow yahay 300, isagoo qaraxa ku tilmaamay Soobbe 2-aad, “Waa isla goobtii, dadkii iyo nuucii sax maaha” ayuu yiri.
Shan sanno ayaa kasoo wareegtay Qaraxii (Xasuuqii) Isgoyska Soobbe oo dhacay 14-kii October 2017, kaaso noqday midkii ugu dhimashada badnaa oo abid ka dhaca Soomaaliya, iyadoo ay ku dhinteen dad ka badan 578 qof, halka 316 kale ay ku dhaawacmeen.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.