Sidee Jabuuti u aragtaa xiriirka diblomaasi ee Kenya iyo Soomaaliya?

Jabuuti ayaa sheegtay in tallaabada lagu soo celinayo xiriirka ay tahay mid wanaagsan oo loo qaaday horumarka gobolka, xasiloonida iyo nabadda.

Warar Keydmedia Online
Sidee Jabuuti u aragtaa xiriirka diblomaasi ee Kenya iyo Soomaaliya?

JABUUTI - Maxamuud Cali Yuusuf, oo ah wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa sheegay in dowladda Ismaaciil Cumar Geelle ay aad usoo dhaweynayso soo celinta xiriirka diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal kooban oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay maanta ayuu Wasiirka ku xusay in Jabuuti ay u aragto tallaabadan mid wanaagsan oo loo qaaday horumarka gobolka, xasiloonida iyo nabadda dalalka IGAD.

Jabuuti ayaa kamid ah dalalkii uu xumeeyay Farmaajo, isagoo ku eedeeyay inay cadowgeeda kala safatay kadib markii gudi xaqiiqo raadin ah oo IGAD usoo dirtay inay soo baaraan wararka sheegaya in Kenya ay Mandheera ku ku hubeynayso C/rashiid Janan warbixintii uu soo saarey ku beeniyay in eedeynta DF ay waxba kama jiraan tahay.

Sidoo kale, waxay DF ku eedeysay Jabuuti inay kamid noqday dalalkii taageeray warbixintii gudiga amniga iyo xasiloonida Midowga Afrika ee looga soo horjeestay muddo-kordhintii sharci darrada Farmaajo.

Si kastaba, Jabuuti waxay dareemaysaa in xasiloonida iyo wadajirka gobolka ay faa'ido ugu jirto dhamaan dowladaha, waxayna ugu baaqday Kenya iyo Soomaaliya inay ka shaqeeyaan soo celinta xiriirkooda.

DF ayaa shalay ugu baaqday Kenya inay dib u furto safaaradeeda Muqdisho, iyaduna ay furanayso mida ay ku leedahay Nairobi, si loo amba-qaado xiriir diblomaasi oo dhameystiran, islamarkaana lasoo celiyo isku socodka iyo ganacsiga labada dal.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.