KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waqtigan Al Shabaab ayaa cagta saartay, dhabihii looga suulin lahaa dalka, kadib gadood iyo diidmo ay kala kulmeen shacabka.
MUQDISHO, Soomaaliya- ficilada guracan ee ay Al Shabaab ku kacayaan, ayey bulshada Soomaaliyeed u dulqaadan waayeen, waana tallaabo bidhaamineysa dhamaadka waayihii kooxda.
Shacabka deggaanada qaar ayaa durba is abaabulay, una guntaday in ay iska dhiciyaan argagixisada wax magaratada ah ee beegsaneysa dadka rayidka ah.
Falalkii guracnaa ee ay ku caan-baxeen, ayey ku dareen ficilo kale oo argagax leh, sida ay duugaan ceelasha, isla markaana dab qabad siiyaan guryaha dadka maatada ah.
Haddaba gulufka oo iminka mid billaw ah, sidee looga lib keeni karaa?
Qubarada arrintan aragtida ka dhibtay ayaa soo jeedinaya, in si siman looga wada qeyb qaato dagaalka ka dhanka kooxda, taas oo niyad jab ku noqoneysa argagixisada.
Waxaa kaloo lagu tallinayaa, in ganacsatadu diidaan dhaqaalihii ay Al Shabaab siin jereen, waana arrin argagixisada ka hor istaageysa in ay tallaabooyin kale qaadaan.
Qubarada ayaa sidoo kale sheegaya, in ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya ay taageerto deggaanada dadka ka dhiidhiyey gumaadka Al Shabaab, taas oo kalsooni siineysa shacabka is xilqaamay ee hubka qaatay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.