Sidee Siyaasiyiintu uga fal-celiyeen qoraalka NISA?

Inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si weyn uga fal-celiyay war qoraal ah oo taliska NISA , ku sheegeen in  ay ka digayaan weerarro lagu qaado xafiiska Ra’iisul asaaraha Rooble iyo midka Farmaajo.   

Warar Keydmedia Online
Sidee Siyaasiyiintu uga fal-celiyeen qoraalka NISA?

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah, ayaa si weyn uga fal-celiyay qoraalka ka soo baxay NISA, ee ku addan in ay ka digayaan weerarro argagaxiso oo ka dhan ah Farmaajo iyo Rooble, xilli, la wada og yahay inuu halkii ugu sarreysay marayo khilaafka u dhaxeeya Rooble iyo kooxda doorasho diidka ah ee Madaxtooyada ku jirta.

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ka mid ah dadka indhaha gorgor ku eegay warka lagu qoray bogga Twitterka ee hay’ada Nabad-sugidda, aya sheegay, in qoraalku hordhac u yahay isku day Afganbi cusub oo dalka lagu galinayo qas iyo qalalaase hor leh, si loo hor istaago hanaanka doorashada ee gabogabada ku dhow.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Cumar Cabdirashiid, ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo lagu xakameynayo Taliska hay’adda NISA, kaas oo haddii aan hadda laga hor tagin hay’adda ka dhigi kara masrax laga soo maleego dhaq dhaqaaqyo halis ku ah doorashooyinka hadda dhamaadka ah.

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, ayaa isna sheegay qoraalku hordhac u yahay, weerarro qorshaysan oo Al-Shabaab loo tiirinaayo, laakin u muuqda kuwa gacmihii dilaayadu ay maleegayaan! “Hey’addii Sirdoonka ee umadda amnigooda in ay sugto ay ahayd ayaa u dhaqmaysa sidii idaacadihii”. Ayuu yiri Fiiqi.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka, Cabdi Siciid Juxa, ayaa isna sheegay in shantii sano oo lasoo dhaafay iyo wixii gaboodfal dhacay, (wixii sharci iyo nidaam Dawladeed la dumiyey, wixii dad cadow loo dhiibay, la dilay iyo wixii jaah-wareer la abuuray) u jeedkii uu Farmaajo ka lahaa maanta cad-yihiin.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, ayaa dhankiisa sheegay, inuu khamiistii la soo dhaafay xusay  in Farmaajo maleegayo shirqool lagu dili rabo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. “Boor isku qariska NISA waxay cadeyn u tahay in fulintii qorshahaas soo dhawaaday”, ayuu yiri Mahad.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa isna qoraalka NISA ku tilmaamay han-jabaad toos ah oo loo diray Ra’iisul Wasaare Rooble, halka Kamaal Guutaale oo ka mid ah la taliyayaasha ugu sarreeya RW Rooble, uu isna xusay in arrinta la fududeysan, maadaama ay tahay hanjabaad toos ah oo ka timid NISA.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.