Sidee Soomaaliya u saameeyay dagaalka Ukraine?

Madaxa WFP Mike Dunford, ayaa sheegay in in ka badan 80 milyan oo qof ay haysato cunto yari aad u daran, oo ay aad u gaajeysan yihiin Afrika – kuwaasoo ilaa 50 milyan saameysay abaarta sanadkan.

Warar Keydmedia Online
Sidee Soomaaliya u saameeyay dagaalka Ukraine?

Sicir-barar xoog leh qiimaha cuntada iyo shidaalka, ayaa laga dareemayaa qaaradda Africa tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine 24-kii Feb 2022.

Ma jiro kobac dhaqaale, malaayiin qof, ayaa soo food-saartay cunto-yari, maadaama Africa aysan lahayn wax so saar, oo lagu tiriyo qaaradda ugu saboolsan adduunka.

Africa ayaa ku tiirsanayn Ukraine, oo kasoo dhoofsan jirtay Qamadiga, Galayda, Saliida iyo Bacriminta Beeraha, iyadoo markii uu billowday dagaalka ay wax walba joogsadeen, taasoo abuurtay sicir barar.

Qiyaastii 60% ayuu qiimaha wax walboo ka imaanayay Ukraine ku kordhay, iyadoo Bangiga Horumarinta Africa sheegay in qaaradda luminayso $11 billion sababtoo ah hoos u dhaca wax soo saarka beeraha.

Shacabka Africa ku nool waxay dhibanayaal u noqdeen Ukraine iyo Ruushkana dagaalkooda saameeyay dhoofintooda, sida uu madaxa Midowga Afrika u sheegay Vladimir Putin kulan ka dhacay Moscow.

In ka badan 40% qamadiga laga isticmaalo Afrika ayaa ka yimaada Ruushka iyo Ukraine. Masar ayaa ah dalka ugu badan ee isticmaali jiray, kaasoo Soomaaliya ay kasoo dhoofsan jirtay.

Ukraine ayaa ka digtay in dunidu ay soo food saari doonto cunto yari halis ah ilaa Ruushku uu qaado xannibaadda dekedda Badda Madow, oo ah meesha ay kasoo gudbaan waxyaabaha Ukraine dhoofiso.

Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka ayaa raadinaya habab ay dalka uga soo saari karaan ilaa 20mn tan oo qamadi ah. Dagaalka Ukraine waxa uu halis gelinayaa tobanaan milyan oo qof oo ku nool waddamada Bariga Dhexe iyo Afrika oo dhan ee ku tiirsan dalagga Ukraine.

Qiimaha cunnada ayaa sare u kacay guud ahaan qaaradda tan iyo markii Ruushku uu gudaha u galay dalka Ukrain 100 maalmood ka hor, taasoo keentay in tiro aad u badan ay gaajo soo wajahdo.

Madaxa WFP Mike Dunford, ayaa sheegay in in ka badan 80 milyan oo qof ay haysato cunto yari aad u daran, oo ay aad u gaajeysan yihiin Afrika – kuwaasoo ilaa 50 milyan saameysay abaarta sanadkan.

Chad ayaa ku dhawaaqday xaalad cunto oo heer qaran ah. Saddex meelood meel dadka ku nool waxay u baahan yihiin gargaar cunto, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, dawladduna waxay codsatay gargaar caalami ah.

Putin waxa uu sheegay in Ruushku uu diyaar u yahay in uu dammaanad qaado dhoofinta galayda iyo qamadiga Ukraine si badbaado leh iyada oo la sii marinayo dekedaha ku yaalla Azov iyo Black Sea ee ay maamusho. Waxuu xusay in xalka ugu fiican uu noqon doono in cunaqabateynta laga qaado Belarus, oo ah xulafada ugu dhow ee Ruushka, si haruurka loo soo fasaxo.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa ku doodaya in Ruushka uu rajeynayo in dhibaatada cuntada ee soo socota ay cadaadis siyaasadeed saari doonto Reer Galbeedka, iyada oo sababaysa qaxooti cusub, oo Yurub gala oo ka imanaya waddamada cunto-yaraanta ka jirto, ee Bariga Dhexe iyo Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.