Sidee Soomaaliya uga badbaadey Macluushii QM ka digaysay?

QM ayaa sheegtay in in ka badan 8 milyan oo qof ay soo wajahday “cunto yari aan hore loo arag” ka dib shan xilli roobaad oo xiriir ah oo guuldarraystay iyo qiimaha cuntada oo “aad u sarreeya”.
 

Warar Keydmedia Online
Sidee Soomaaliya uga badbaadey Macluushii QM ka digaysay?

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa ka badbaadey Macluul laga digay inay sanadkan dhamaadkiisa ku dhufato, sida uu sheegay C/raxmaan C/shakuur, Ergayga arrimaha abaaraha.

Ergayga ayaa bogaadiyay dadaallada ay sameysay dowladda ee ku aadan kahor-tagga Macluusha, kadib markii gargaar bini'aanimo gaarsiisay goobaha ugu daran ee abaartu saameysay.

Wuxuu xusay in wali ay jirto khatarta abaarta, maadaama wadanka afar sanad aan ka di'in roobab ku filan, waxaana jira saameyn taagan oo u baahan in lasoo wado howlaha naf-badbaadinta.

Dadka ugu badan ee ku barakacay abaarta ayaa ah Xoolo-dhaqato iyo Beeralay, kuwaasoo roobab la'aanta ugu haajiray magaalooyinka waaweyn, oo ku raadiyeen wax ay ku noolaadaan.

Waxaa lagu qiyaasaa dadka abaarta saameysay illaa 8 milyan oo qof, iyadoo QM ay ka digtay dhawaan in gobolka Baay ay ka jirto xaaladdii ugu xumayd, oo keeni karta Macluusha.

Macaluul waa cunto la'aan ba'an iyo heer aad u sarreeya oo dhimasho ah, oo ka dhasha gaajadda ama nafaqo-darro toos ah oo ay weheliso cudurrada sida daacuunka.

Ku dhawaaqida macluusha waxay la macno tahay xogtu waxay muujinaysaa in ka badan shan meelood meel qoysaska ay wajahayaan cunto yari aad u daran.

Sanadkii 2011, Soomaaliya waxaa ku dhuftay abaar xun, oo ay ku dhinteen 250,000 oo qof, iyadoo xiligaas dowladda Turkiga ay kaalintii ugu waynayd ka qaadatey gurmadka bini'aanimo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.