Siduu MW Xasan u maareyn doonaa 5-taan qodob?

Madaxweynaha 10-aadd ee Soomaaliya, waxaa hor yaalla caqabado xooggan oo shacabku u baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto, loona soo bandhigo xogaha la xariira qodobbada howlahoodu hor-tabinta leeyihiin.

Warar Keydmedia Online
Siduu MW Xasan u maareyn doonaa 5-taan qodob?

MUQDISHO, Soomaaliya – Tan iyo markii Baarlamaanka 11-aad doorteen mid ka mid ah hoggaamiyayaashii mucaaradka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa aloosnaa is-weydiin ku aaddan, sida Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya u maareyn doono dhowr qodob oo maareyntooda uu nidaamkii Farmaajo kaga soo hor jeeday.

MW Xasan Sheekh, wuxuu ka mid ahaa, siyaasiyiinta aan saxaafadda ka gamban ee wareysiyada iyo doodaha adag ka qeyb gala, isla-markaana shacabka hor taga, si uu uga jawaabo weydiimaha ay qabaan, wuxuuna dhowr jeer, Kooxda xilka banneysay ku eedeeyay arrimo wali taagan oo xal degdeg ah maanta isaga uga baahan.

Askarta ku maqan Eritrea; Ku dhawaad Saddex sano, dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa ku maqan dalka Eritrea, kuwaas oo Dowladdii hore sheegtay in ay tababar u joogaan dalkaas, hayeeshee, ay soo baxeen warar sheegaya in si qasab ah looga qeyb galiyay dagaalkii ka dhacay Waqooyiga Itoobiya halkaasna ay ku dhinteen qeyb ka mid ah.

Xasan Sheekh, waxaa looga fadhiyaa inuu deg deg dib ugu soo celiyo dhallinyarada maqan, soo bandhigo xogta rasmiga ah ee ku gadaaman askarta jaan iyo cirib la la’ yahay, isla-markaana uu la xisaabtamo shaqsiyaadka sida ka baxsan xeerka qorista ciidanka u diiwaan galiyay dhallinyarada, u qiyaamay, una daabulay dal aan hore loogu sheegin.

Kiiska Ikraan Tahliil; Qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ah sarkaalad ka tirsaneyd NISA, kuna maqan gacanta hoggaankii hay’adda, ayaa dacwo ka dhan ah, Fahad Yaasiin, Yaasiin Faryey, Kullane Jiis iyo Cabdiqani Wadna-qabad u gudbiyay xeer ilaalinta maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida, hayeeshee, Farmaajo ayay dacwadaas ka socon weysay.

Xasan Sheekh, waxaa la dhowrayaa sida uu u maareeyo arrinkaan, caddaaladna ugu raadiyo qoyska Ikraan, waxaa isha lagu hayaa qaabka u socod-siin doono kiiskan iyo oggolaanshiyaha in Maxakamddu u fariisato dhageysiga gar-maqalka dacwada, kadib ku dhawaad hal sano Farmaajo seynta uga taagnaa in qosku caddaalad helaan.

Khaarijintii Xildhibaan Aamino; Sida uu xilliyo kala duwan sheegay Ra’iisul Wasaaraha dalka, Maxamed Xuseen Rooble, AUN, Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, waxa ay ku baxday gacanta Kooxda ay ku maqan tahay Ikraan, wuxuu xusay inuu hayo caddeymo ku filan oo la soo bandhigi doono xilligeeda, hadda waa xilligii ku habboonaa.

Xasan Sheekh, wuxuu qudhiisa hore u sheegay in khaarijinta Xildhibaanadda uu ahaa dil siyaasadeed, waxaa xusid mudan in ay Xisbigiisa UPD xubin firfircoon ka ahayd, wuxuuna hore ugu tilmaamay gabadhiisa oo kale, madaxweynaha waxaa looga fadhiyaa baaritaan dhab ah iyo la xisaabtanka kuwa si ay caddaaladda u aamusiyaan u dilay Aamino.

Xoriyadda Mukhtaar Roobow; Bartamihii bishii 8-aad ee 2017, Sheekh Mukhtaar Roobow, oo warbaahinta kula hadlay hotel ku yaala Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in xubinnimada Al-Shabaab uu ka baxay 5 sano iyo 7 bilood ka hor xilligaas, wada-hallo dhex maray isaga iyo Dowladda Federaalka ayaa sababay in loo fidiyay cafis buuxa.

Hayeeshee, Ciidamada Itoobiya ayaa 13-kii bishii December 2018, magaalada Baydhabo ka af-duubay, si uusan uga qeyb galin tartanka doorashada Madaxweynaha Koofur galbeed, sababo la xariira in Farmaajo, Fahad iyo Kheyre ay Lafta-gareen u rabeen xilkaas, wuxuuna tan iyo xilligaas maxakamad la’aan ugu xiran yahay qol ku yaalla Caasimadda.

Mukhtaar Roobow, wuxuu qeyb ka ahaa mushkiladda dalka tan iyo markii uu qoriga qaatay, hayeeshee, hadda wuxuu u xiran yahay dano dad gaar ah, Madaxweyne Xasan, waa inuu Mukhtaar Maxakamad saaro, laguna qaado danbiyada uu galay, ama uu sii baritaaro cafiskii Dowladdii hore una oggolaado inuu si xor ah u noolaado.

Hoggaanka Ciidanka QS; Kooxda xilka banneyneysa, waxa ay hoggaanka Ciidanka ka dhigeen dhallinyaro aan qibrad iyo aqoon ciidan midna lahayn iyo saraakiil ka haray Kacaakii oo Farmaajo ku heyb ah, kuwaas oo sababay, in ciidanku kala jabo, kala amar qaadan waayo, amar diiddada iyo far-taagtaaguna bato shantii sano ee la soo dhaafay.

Xasan Sheekh, waxaa looga fadhiyaa inuu jidkaas soo xiro, meeshana ka saaro, saraakiisha ciidanka ee siyaasadda ku milmay, qaarkoodna si bareer ah u diideen amarro ka soo baxay, Ra’iisul Wasaaraha dalka, Wasaaradda Gaashaan-dhigga iyo Wasaaradda Amniga, iyaga oo Farmaajo kala shaqeynayay muddo kordhin xileed, daah iyo boob doorasho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.