KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxyar kahor weerarka goobta isaga tagey, iyadoo xiligaasi ay la socdeen mas'uuliyiin kale oo dowladda katirsan, kuwaasoo ka qeybgalay munaasabadda dib u furidda Garoonka.
MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ku guuleysatay weerar hoobiye iyo mid qarax ah inay ku qaado Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho, si ay u khalkhal geliso ciyaar daah-fur ahayd, oo xili habeen ah la qabtay.
Ugu yaraan labo hoobiye ayaa ku dhacday gudaha Garoonka, iyadoo dadkii ku sugnaa ee daawanayay ciyaar dhexmaraysay Kooxda Horseed ee Ciidamada Xoogga dalka iyo Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho, waxaana lasoo wariyay inuu jiro khasaaro, inkastoo aan tirada la ogeyn.
Xog hoose oo Keydmedia Online heshay ayaa sheegaysa in weerarka hoobiye iyo qaraxii ka horeeyay ee galabtii dhacay uu ahaa mid horey loo qorsheeyay, oo Al-Shabaab kasoo qaadey dhinaca waqooyi ee Muqdisho, halkaasi oo ay Kooxda ku awood badan tahay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.