KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in Shirka la filayo inuu ka dhaco magaalada London Bisha may ee socota inaysan marnaba ka qayb galayn isagoona arrintaa u aaneeyay in Shirku uu yahay mid Khuseeya arrimaha Soomaaliya, Somalilandna aysan wax shaqa ah ku lahayn Shirkaas.
“Shirka London kama qaybgalayno oo waxaanu u aragnaa in aan na khuseyn, dannina aanu ugu jirin qarankan Somaliland”.
Siilaanyo ayaa dhinaca kale Taageeray wada hadaladii u bilowdey kal hore Dawladdii ku meel gaarka Soomaaliya iyo Somali Land taasoo uu farta ku goday in shirkaasi ay ka qayb galayaan iyadoo loo wada hadlayo waa siduu hadalka u dhigaye labo Dawladood oo wada siman.
Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlayay Boqolaal taageerayaashiisa iyo Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa si weyn u soo dhaweeyay hadalka ka soo yeeray Siilaanyo.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa intaa ku daray inaan marnaba laga noqonayn Gooni Isu taagga Somali Land isla markaana ay ka go’an tahay inay ku taagnaadaan Mowqifkoodii ahaa in ay yihiin Dawlad gooni u taagan oo ka go’aday Dawladdii Soomaaliya in kastoo aysan helin aqoonsi heer caalami ah.
Shir weynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa muddo laba cisho ah dib loo dhigay sida uu saxaafadda u sheegay Biixi oo ka tirsan hoggaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye.
Si kastaba ha ahaatee hadalkan ka soo yeeray maanta Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu muujinaya sida ayan Somali Land diyaar ugu ahayn ka qayb galka wada hadalada Soomaaliya ee Bisha may ka dhici doona Dalka Ingiriiska arrintaasoo si weyn u soo shaac baxday wixii ka danbeeyay markii Xukuumadda Ingiriisku ay ka dhawaajisay in Muwaadiniinteeda ayan tegin Somali land kuwa halkaa joogana ay isaga soo baxaan.
Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url] | Xafiiska Hargeysa // Wadanka
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.