Sirdoonka Israa’iil oo Sheegay In Kenya Ay Gacan Siiyeen Qabsashada Kismaayo

Barlin (KON)- Web site ay sirdoonka Isra’il ku leeyihiin internetka ayaa lagu soo daabacay maanta warbixin sheegeysa in Dowladda Isra’il ay gacan kusiisay Dowladda Kenya sidii ay u geli laheyd Magaalada Kismaayo tan iyo markii uu ka bilowday hawlgalkaasi xuduudka Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya 16-ka bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay illaa 29-ka bishii sagaalaad 2012 oo Ciidamada Kenya ay u suuragashay in ay Kismaayo galaan.
Warar Keydmedia Online

Boggani ay sirdoonka Is’rail kuleeyihiin Internetka oo lagu magacaabo Diibka ayaa sidoo kale warbixinta lagu soo daabacay lagu sheegay in sanad kahor hawshani inta anan la bilaabin ay khubaro milatari oo reer galbeed ah mareykankana uu kujiro ay rumeysnaayeen in Kenya aysan awood u laheyn in ay alshabaab kahortagto maadaama ciidankeeda oo idil uu gaarayo kudhawaad 60kun askari halka dagaalyahannada Alshabaab tiradooda guud ay gaareyso 25-kun dagaal yahan.

Sanadka markii uu ahaa 1993 ayaa waxaa ku fashilmay in arinta Soomaaliya ay wax ka qabtaan Dowladda Mareykanka iyadoo sanadkii 2006-dana ay Itoobiya sidoo kale ku fashilantay in arinta Soomaaliya ay wax ka qabato, waxaana Soomaaliya ay kawada baxeen iyaga oo khasaare xoogan uu soo gaaray.

Dowladaha Mareykanka iyo faransiiska ayaa horey u beeniyay in ay qeyb ka yihiin dagaalalda Soomaaliya kasoconaya hadana diyaaradaha basaaska ah ee mareykanka uu leeyahay waxa ay Ciidamada Kenya ka saaciday dhinaca sirdoonka iyo helitaanka Macluumaad fara badan taasi oo keentay in la duqeeyo goobaha ay hubka ku xareystaan ee Alshabaab ay ku lahaayeen Magaalada Kismaayo.

Dowladda Kenya inkastoo ay ka heleysay taageero dhinaca Loojistikada ah Dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska hadana ma aheyn dowladahaasi kuwa taageerada weyn siiya Kenya gaar ahaan dhinaca dagaalka, waxaana ay ka heli jireen taageerada buuxda ee dhinaca dagaalka ay alshabaab kula jireen Dowladda Isra’il iyo sidoo kale Kooxo Soomaali ah oo gudaha dalka ka hawlgala.

Kenya ma aysan shaacinin cidda garabka kusiisa dagaallada ay Alshabaab kula jirto lakin dowladda Isra’il waxa ay sheegtay in ay ka taageertay Kenya 3dhinac oo aad muhiim ugu ah dhinaca dagaalka lagula jiro Alshabaab, waxaana ay kala yihiin :-

Saraakiil Yahuud ah oo Kenyanka kala qeyb galay dejinta qorshaha dagaal ee ay Soomaaliya ku galayeen ayna kamid aheyd in aysan si deg deg ah meelo ku qabsan oo keliya si tartiib tartiib ah loogu socde deegaannada ay Alshabaab joogaan taasi oo lagu guuleystay Ciidamada Kenyana aanu khasaare badan halkaasi kusoo gaarin.

Arinta labaad ee ay Isra’il ku saaciday Kenya ayaa ah in ay Kenya ugu deeqday hub fara badan gaar ahaan hubka lagu dagaal galo xilliyada aanan fagaareyaasha la isugu imaaneynin ee uu jiro dagaallada gaadmada ah iyo in macluumaadka Alshabaab ee lagu soo ogaanayo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo Kenya si toos ah loogu soo gudbinayay.

Arinta saddexaad ee Isra’il ay Kenya garabka kusiisay ayaa ah in Isra’il ay Ciidamo Sirdoon iyo Boolis si gaar ah u tababaran isla markaasina u dhashay Isra’il in lagu dhex milay Ciidamada Kenya ee gudaha ka hawlgala taasina waxa ay keentay in weeraro badan oo ay Alshabaab la damacsanaayeen in ay ka fuliyaan gudaha Kenya ay sidaasi ku fashiliyeen sirdoonka Isra’il ee gudaha Kenya laga hawlgeliyay.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.