Siyaasaddii Itoobiya ee ku wajahnayd Soomaaliya oo is beddeshay

Abiy Ahmed ayaa la sheegay inuu ka caroodey booqashadii Xasan Sheekh uu dhawaan ku tagey Masar, oo ay kala dhaxeyso xiisad ku saleysan biyaha Webiga Nile.

Warar Keydmedia Online
Siyaasaddii Itoobiya ee ku wajahnayd Soomaaliya oo is beddeshay

MUQDISHO, Soomaaliya - Itoobiya ayaa billowday inay heshiisyo amni iyo kuwa difaac la gasho qaar kamida ah Maamul Goboleedyada Soomaaliya, iyadoo ku xad-gudbaysa madax-banaanida dalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-Gareen ayaa looga yeeray Addis Ababa, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo madax sare oo dowladda Abiy Axmed katirsan oo heshiiyo lasoo galayo.

Sidoo kale, waxay Itoobiya heshiis kula jirta Jubbaland, Puntland iyo Somaliland, iyadoo HirShabeelle ay booqdeen taliyeyaal sare oo doonaya in laga gacan-siiyo dagaalka dhanka Hiiraan lagula jiro Al-Shabaab-ka ku sugan.

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inuu sameeyo sharciyo lagu ilaalinayo danaha qaranka. Madaxda maamul goboleedyada ee ku kacaya falalkan oo kale oo dastuurka jabinaya waxaa loo baahan yahay in laga hor-istaago tallaabooyinka kala qeybinaya dalka sidoo kalena xasiloonida wax u dhimaya.

Waa wax aan la fahmi karin sida madax-goboleed uu heshiis militari ula saxiixdo dowlad shisheeye, iyadoo dalka uu leeyahay dowlad lasoo doortay, oo mas'uul ka ah ilaalinta danaha qaranka iyo dastuurka.

Itoobiya ayaa intii dalka dagaalka sokeeye ka socday siin jirtay hub hogaamiye kooxeedyada, iyadoo markii dambe dowladda dhalatay u weecisay kala qeybinta dhanka Maamul Goboleedyada.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa u muuqda inuu dagaal kula jiro Xasan Sheekh, kadib markii uu ka caroodey booqashadiisii Masar oo xiisad ku qotanta biyaha webiga Nile kala dhaxeysa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.