KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi ma jiro mid tagi kara degaanka ay sheegayan in matalaan, mid kasta markuu maalmo joogo inuu toobo keeno dibna u laabto ayaa u qorsheysan.
MUQDISHO, Soomaaliya – Kulan dabbaal deg ah oo loogu hambalyeynayay 11-ka Sanatar ee kusoo baxay kuraasta Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi, ayaa shalay lagu qabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana kulankaas laga diiwaan galaiyay hadallo aan maangal ahayn oo laga baaqsan karay, isla-markaana, dadka qaar u arkeen gaf loo heystay bulshada ka soo jeedda Koofurta dalka.
Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Cabdi Ismaaciil Samatar, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Mahdi Guuled, Cismaan Dubbe iyo kuwe kale oo mikrafoonka qabsaday, waxa ay sheegeen in ay wixii hadda ka danbeeya u adeegi doonaan dadka matalaan, Qadaad-weyntana (Koofurta) ay ka soo dhicin doonaan xaqa Soomaaliland.
Waxa ay isku dhaarsadeen in Soomaaliland u cad gooyaan, waase yaabe, halkuu yaallaa xaqa ka maqan Waqooyi, ma Muqdisho? Siyaasiyiinta Soomaaliland, waxa ay Caasimadda Soomaaliya ku laba-canleeyaan canshuurta laga qaado hooyooyinka waddooyinka caanaha ku gada, ee cadgoynta ay sheegayan ma in lacagta xoogga looga qaado hooyoyinka Gobolka Banaadir, laga quuto Waqooyibaa? !!
Siyaasiyiinta Soomaaliland, ee Shalay isku yimid, kama aysan hadlin raafka iyo bahdilka shacaka Koofureed uu kula kacay maamulka Soomaaliland, (Laasacaanood) taas oo ka dhigan in ay dan ka lahayd waxa degaanka ay sheeganayaan in ay mataalaan loogu geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Waasiirka Maaliyadda Bayle, oo ka mid aha shaqsiyaadka shalay hadlay, wuxuu hore u shegay in la joojiyay dhamaan deeqihii dibadda taas oo ka dhigan in Dowladda dhan biilato 14-ka Malyan, miyaysan ahayn in shacabka Muqdisho, is weydiiyaan waxa maalkooda dabka ku shubay, kadibna loogu dul daacdaacsaday?
Doorashadii Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi, ergada ayaa wajiga qarsaneysay, ma aha cabsi amni iyo baqdin Shabaab, kaliya waxa ay iska badeleen magayada rasmiga ah, wajiga ayay qarsaden, si ay lacag qaadasho kadib, dib ugu laabtaan Hargeysa.
Siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi ma jiro mid tagi kara degaanka ay sheegayan in matalaan, mid kasta markuu maalmo joogo inuu toobo keeno dibna u laabto ayaa u qorsheysan.
Warbixin arrinkaan la xariirta fisha totobaadkaan.
Guuleed Faarax –KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.