Siyaasiyiinta Jubboyinka oo ka hadlay Arinta Kismaayo. Warbixin

Muqdisho (KON) – Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ee ka soo Jeeda G/ Jubbooyinka ayaa ku tilmaamay Axmed Madoobe Dagaal-Oge (WORLORD) Ujeedadiisu talay in uu ka huriyo Colaad iyo Qalalaase horleh Degaanada J/Hoose.
Warar Keydmedia Online
Siyaasiyiinta Jubboyinka oo ka hadlay Arinta Kismaayo. Warbixin

Mudane Cabdi Warsame oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doortay G/ Jubbooyinka ayaa sheegay in Mamuulaha Goboladda Bari C/raxmaan Faroole u Amar ku siiyey inu ku dhawaaqo Doorasho aan waligeed dhicin iyo is Magacaabid M/weynenimo aan ku dhamaaneyn meel aan Halaag aheen.

Mudane Cabdi oo hadalkiisa waxuu ku daray “Waamn maqalnay in C/raxmaan Faroole, Jeneral Cade Muuse, C7wali Gaas iyo Rag kale oo badan ay qabteen Xaflad ay ku Taageerayaan Axmed Madoobe, hase ahaatee taasi waa mid aan wax Buuq ah ma ahee aan wax Wanaag ah soo kordhineyn”ayuu yiri Xildhibaanku.

Mudane C/qaadir Xaaji Suldaan (Luga Dheere) oo ah Siyaasi si weyn loga yaqaan ahna Guddoomiyaha Xiriirka Gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay in loo baahanyahay in Dadka dega Jubbooyinku isku tagaan oo ay  ka TASHADAAN sidii ay u Badbaadin lahayeen Naftooda,  Maalkood,  Ayahooda iyo Madaxdii degaanka u Talin laheed.

Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.