KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Nabadoon Burhaan Sheikh Waceys oo ay u wakiishen la hadalka dhanka saxaafada siyaasiyintii iyo waxgaradki kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in ay guryahoodi iyo goboladii ay daganayen dibad joog ka yihiin iminka ayna so dhaweynayan cid kasta o u qabaneysa gobolada.
Sidoo kale Burhaan Sheikh Waceys waxa uu ka codsaday dowlada Kenya in ay dhowraan dadka rayidka islamarkaana ay si gaar ah u bartilmaameedsadaan goobaha Ururka Alshabaab ay ku suganyihiiin.
Dowlada Kenya ayaa waxa ay wadanka Soomaaliya usoo dirtay ciidamo milateri ah kuwa oo ay shegtay in ay kula dagalamayso Ururka Alshabaab kadib marki ay caalweyday sida ay sheegtay fara gelin Al shabaab ay ku hayaan dalkeeda taana waxey dhaliday in aragtiyo kala duwan ay ka muujiyaan madaxda dalka waxgaradka siyasiyiinta iyo aqoonyahanada soomaaliyeed.
Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.