KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Diyaaradan oo siday Dad Rakaab ah oo gaaraya 213 Qof ayaa kasoo duushay Magaalada Stockholm, ee dalka Sweden, waxaana ay kusoo hakatay ( Transit) kusoo martay Magaalada Athens, ee dalka Greec iyadoo si Toos ah ugu degtay Garoonka Adan Cadde ee Muqdisho.
Wakiilka Shirkadda Diyaaradda SkyGreece Airlines ee Soomaaliya ayaa u sheegay Warbaahinta xilli Xaflada lagu furayay Duulimaadka gudaha Garoonka Muqdisho, in Jadwalka Duulimaadkoode ee Soomaaliya uu noqon doono Todobaadkii mar, iyadoo ay Rakaab kasoo qaadi doonto magaalooyinka London, Athens and Stockholm.
Ganacsato Soomaali & Greece ah ayaa iska kaashanaya in Diyaaradaha Shirkadda SkyGreece Airlines ay Duulimaad Toos ah Europe & Muqdisho ka samayso dalka, iyadoo horey ay dalka uga howlgalaysay Diyaaradda Turkish Ailines tan iyo 2012, oo sidan oo kale Duuliaadyo caalami ah samaysa.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka ee DFS Xirsi Aadan oo ka hadlay Xafladda Furitaanka Duulimaadka Diyaaradda SkyGreece Airlines, ayaa sheegay in Tallaabadan ay tahay Guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in at sumad u tahay Nabada soo laabanaysa.
SkyGreece Airlines, waa Shirkad Cusub oo la aas aasay October, 2012, taasi oo ay aas aaseen Dad u dhashay dalka Greece, balse haysta Dhalashada dalka Canada, waxaana ay xarunteeda ku taalla Magaalada Athens, duulimaadkeeda Muqdisho ayaa u sahlaya Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Europe in ay si sahlan dalka dib ugu soo laabtaan, iyadoo aysan soo marayn dalal badan.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.