Somaliland oo ku dhawaaqday in ay xirtay xuduudaheeda

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in la joojiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyadoo sidoo kale xirtay xuduudaheeda

Warar Keydmedia Online
Somaliland oo ku dhawaaqday in ay xirtay xuduudaheeda

HARGEYSA, Soomaaliya - Ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxay ogeysiis udireen shacab weynaha ku dhaqan dhulka ay maamusho Somaliland iyadoo lagu wargeliyay bulshada in la joojiyay dhaqdhaqaaqyada gaadiidka kala Susan islamarkaana ay xiran yihiin xuduudaheeda.

"Booliska Somaliland wax ay la socod siinayaan guud ahaanba Shacabka Somaliland in la  joojiyay Dhaq-dhaqaaqa gaadiidka kala duwan, isla-markaasna ay xiran yihiin xududaha dhulka, cirka iyo baduba laga billaabo caawa 3:00am ilaa 6:00pm ee 31May.

Kaliya waxa dhaq-dhaqaaqa loo ogolyahay gaadiidka haysta ruqsadda Lambarka guddiga doorashooyinka qaranka. 

Waxa lagu adkaynayaa laamaha ammaanku inay si buuxda u fuliyaan awaamiirtaas kor-ku-xusan Cidii ka hor timaada gacan bir ah ku qabtaan.

Degaannada ay maamusho Somaliland ayaa berri oo Isniin ah waxaa looga dareerayaa doorashooyinkii guud ee golayaasha wakiilada shacabka iyo goloyaasha degaannada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.