Somaliland oo Mareykanka siinaysa Dekad iyo Saldhig si aqoonsi u hesho

Maamulka Muuse Biixi ayaa qiimo kasta ku bixinaya aqoonsiga, iyadoo dhawaan uu Itoobiya siiyay Dekadda Saylac, taasoo ku bedelatay in Safiir loo soo diro.

Warar Keydmedia Online
Somaliland oo Mareykanka siinaysa Dekad iyo Saldhig si aqoonsi u hesho

HARGEYSA, Soomaaliya - Somaliland ayaa siinaysaa Maraykanka dekad iyo garoon diyaaradeed si ay aqoonsi u hesho, waxaa sidaas lagu sheegay warbixin uu  daabacey Wargeyska The Wall Street Journal

Maamulka Biden ayaa ku adkeysanaya in Soomaaliya hal dal tahay, oo ay ilaalinayaan madax-banaanideeda, inkastoo uu rajo xumo ka muujiyay Farmaajo oo dib u dhigay doorashooyinka.

Somaliland ayaa raadinaysay 30 sano inay ka go'o Soomaaliya, iyadoo hadda u aragtay Mareykanka inuu yahay saaxiib awood leh, oo aqoonsigiisa albaabada u furi karto ictiraafkeeda.

Maamulka Muuse Biixi ayaa qiimo kasta ku bixinaya aqoonsiga, iyadoo dhawaan Itoobiya siiyay Dekadda Saylac, taasoo ku bedelatay in danjire fadhiyay Hargeysa laga dhigo Safiir buuxa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qorsheynaya inuu bisha March safar ku tago magaalada Washington, halkaasoo la filayo inuu u kuur galo danaha Mareykanka ee isticmaalka dekada Berbera, oo ku taalla gacanka Cadmeed, oo ah marin muhiim ah oo isku xira Badweynta Hindiya, Kanaalka Suweys iyo Badda Mediterranean-ka.

Berbera waxaa hadda maamusha DP Word, oo ah Shirkad Imaaraadka uu leeyahay. Mareykanka ayaa tartan kula jira Shiinaha, oo ay ku loolamayaan maalgashiga qaaradda Africa.

Illa hadda Somaliland ma aysan ka hadlin warbixintan wargeyska laga leeyahay Mareykanka uu qoray, balse waxay kusoo aadaysaa xili Washington ay isha ku hayso gobolka Geeska Africa.

Dhanka kale, Diblumaasiyiinta Mareykanka ayaan muujiyay in ay ka xun yihiin in Farmaajo uu muddo sanad ka badan dib u dhigay doorashada, iskuna dayay inuu sameysyo mudo-korarsi iyo inqilaab, taasoo kordhisay xiisaddii siyaasadeed ee ka jirtay dalka.

Trump ayaa maalmihiisii ugu dambeeyay xukunka ka saaray Soomaaliya boqolaal askari oo katirsan Kumaandooska Mareykanka, oo tababar siinayay Ciidamada DANAB, ee la dagaalama Al-Shabaab, waxaana loo raray dalalka Jabuuti iyo Kenya ee deriska la ah.

Maamulka cusub ee Biden oo hal sano xafiiska jooga, ayaan weli shaacin in Ciidamada Mareykanka uu dib ugu soo celin doono saldhigyada ay ku leeyihiin Soomaaliya, waxaana maqnaansha askarta AFRICOM saameyn ku yeeshay dagaalka Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.