KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somailand Maxamed Cabdullaahi Cumar oo habeenkii xalay ahaa goor danbe Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Harggaysa ayaa sheegey in Soomaaliland ay tahay meel ammaankeedu aad u wanaagsan yahay.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in ay kalsooni buuxda ku qabaan dhinaca ammaanka ee maamulkaas isla markaana wararka ka soo yeeray dhinaca Xukuumadda Ingiriisku aysan waxba ka jirin.
Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Soomaali Land oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in ammaanka Degaanada hoos yimaada maamulkaasi ay yihiin kuwo sugan isla markaana aysan waxba cabsi ama shaki ah galinayn hadalada ka soo yeeray dawladda Ingiriiska.
Maxamed cabdullaahi Cumar oo ka hadlay safar uu dhawaan ku tageya Dalka Itoobiya ayaa sheegay inuu halkaa kula kulmay Wafddi ka socday Xukuumadda maraykanka isla markaana ay ka wada hadleen Xiriirka labada Dal waa maraykanka iyo Soomali lande isagoona sheegay in maamulkiisu ay weli sii raajicinayaan sidii beesha caalamka aqoonsi buuxa uga heli lahaayeen.
Ugu danbayntii ayuu sheegay Mr Cumar in aqoonsiga Maraykanku aqoonsaday Koofurta Soomaaliya aanay iyagu waxba shaqa ah ku lahayn isagoona ugu celiyay Beesha caalamka iyo Ajaaniibta ku sugan magaalada hargaysa iyo degaanada kale ee Soomaali land in aysan waxba shaki ka qabin ammanka meelaha ay joogaan.
Hadalkan wasiirka arrimaha Dibadda ee maamulka Somali land ka soo baxay ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalinimadii shalay Xafiiska arrimaha dibadda ee Ingiriisku uu digiin u dirya Muwaadiniintiisa ku sugan Somaliya guud ahaan gaar ahaana Somali land isgaoona ugu baaqay in ay isaga soo baxaan halkaas dib danbana u tegin arrintaas oo ka carsysiisay Maamulka Somali Land.
Wadanka / Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.