Somaliland oo labo nin u qabatay dilkii Sheekh C/qaadir Gacamay

Muqdisho (KON) Xukuumada Somaliland ayaa waxay shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay laba nin, oo ka qeyb qaatay dilkii magaalada Garoowe loogu geystay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.
Warar Keydmedia Online

 

Labadaan nin ayaa waxay gaari ka soo gaareyn meel ku dhaw magaalada Garoowe, waxaana gacanta lagu dhigay xilli ay doonayeen inay gudaha u soo galaan magaalada Laascaanood ee xaruunta gobolka Sool.

Taliye ku Xigeenka qeybta Booliska ee gobolka Sool C/laahi Saciid Guuleed, oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan laba nin, oo si dhaw loola xiriirinaayo ku lug lahaanshaha dilkii Sheekh C/qaadir Gacamey.

Arintaan ayaa waxay imaanaysaa xili magaalada Garow iyana sidoo kale lagu qabtay nin lagu sheegay in uu ahaa ninkii toogtay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.