Somaliland oo Mas’uuliyadda Colaadda Taleex dusha uga tuurtay BFS (Dhageyso)

Hargeysa (KON) - Wasiirka Difaaca Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay Colaadda ka taagan Gobolada Sool, Sanaag & Cayn, gaar ahaan Isbadelada ka dhacaya Magaalada Taleex.
Warar Keydmedia Online
Somaliland oo Mas’uuliyadda Colaadda Taleex dusha uga tuurtay BFS (Dhageyso)

Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in Xubno kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kasoo jeeda Somaliland in ay hurinayaan Xiisadaha ka taagan Taleex, Xaruntii KMG ee Maamulka Khaatumo oo Todobaadkii hore Somaliland la wareegtay.

“Shaqsiyaad u dhashay Gobolka oo xambaarsan Siyaasad aan ahayn tan Somaliland, oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yimid Sool oo abuuraya Dagaal & Qalalaase Siyaasadeed,” ayuu yiri Cadami.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa Digniin u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in haddii aysan celin Xildhibaan Cali Khaliif Galayr ay ka bixi doonaan Wadahadaladda socda ee Soomaaliya-Somaliland.

“Yaanan la carqaladayn Wadahadalka socda, oo marba lasoo dirin Qof Qaswade ah, oo Nabaradii laga soo gudbay dib usoo celinaya, waxaana ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliya in ay faragelinta ka joojiso Gobolada Sool, Sanaag & Cayn (SSC),” ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka.

Hadalka Cadami ayaa imaanaya xilli ay Ciidamada Somaliland dhawaan kala direen Shirweyne ay lahaayeen Odayaasha & Siyaasiyiinta Maamulka Khaatumo oo ka socday Magaalada Taleex, kadib markii Ciidamo ka socda Hargeysa ay halkaasi xoog kula wareegeen.

Xildhibaan Cali Khaliif oo Mudooyinkan ku sugan Gobolka Sool, ayaa wada Qorshooyin dib loogu dhisayo Maamulkii bur buray ee Khaatumo kaasi oo Madaxweyniyaashii ugu danbeeyay u kala goostay Maamuladda Somaliland & Puntland oo isku haysat Gobolada Maamulka Khaatumo uu sheeganayo.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.