“Soo doorta Dad aan Lacag wax ku dooraneyn”!

Boston (Keydmedia) - Prime Ministerkii hore ee Somalia Maxamed Cabdullahi M. ’Farmajo” ayaa la kulmay Somalida ku noolo magaalada Boston iyo wakiilo ka socda dowladaha Main, Connecticut, iyo Vermont oo ka tirsana gobolada bari ee cariga Mareykanka.
Warar Keydmedia Online

Kulankaas oo ka dhacay howlka weyn ee Jaamcada Roxbury Community college.

Muddane Mahamed Cabdullahi “Farmajo “  waxuu Ugu horeyntii ka mahdceliyey sida diiraan oo loogu soo dhaweyey Boston assaga iyo wadiga uu hogaaminahayo oo ay mid yihiin xaaskiisa  iyo gabdho uu dhalay.

Kadibna waxuu ku amaanay Somalida Boston iyo Xareeraheeda degan sida ay isgu duubanyihiin oo Somalinimada u xoojiyeen. Waxuuna ku sii booriyey in sii xoojiyaan iskudubnaantooda kana foggadaan wax kasta oo isku duubnidooda wax u dhibikara oo qabiilku ugu horeeyo.

Kadib waxuu ka sheekeyey sidii dowladnimadii Somaliyeed u burburta iyo waxii ciidamada, indheergarata, culuma laga rabay iyo waxii soo baxay kadib burburkii dowladii dhexe ee Somaliyeed, waxuuna yiri waxaan ka xumahay in ciidamadii Somaliyeed oo loo dhisay difaaca dalka markii dhibaato timaado, intoodii badney mid kastaa qaabiilkiisi baal ka raacay iyo waliba in qaar ka mid mid warlord u xubsiinteen.

Sidee kale waxuu sheegey in indhergaratadii xoolaha waddanka wax ku soo bartay uu qaysameen kuwo waddanka ka carara iyo kuwo jiho wareerey oo iska aamusey.

Ugu dambeyntii waad aragataan ragii culumada sheegan jirey waxay u qaybsamen kuwo cadowga dalka u addega iyo kuwo si toos ah dadka u laayaa oo dalkii ka dhigay joob dagaal sida Shabaaka.

Waxuu sheegay in xalada dalka ay manta mareyso meel Qatar ah oo loo baahanyahay in loo wadda guto, taas oo ku imaan karta in la soo doorto waqtiga fooda nagu soo haya dad tayo oo parlamaanka soo gala oo noo doorta madax tayo leh oo markooda noo doorta madax taya leh.

Waxuu odayaasha dhaqanka Somaliyeed o uu ku talmaamay keydka kali ah oo Somliada u haray markii Siyaasiyiintii, ciidamadii, indhergaratadii iyo culumadii xilkoodii ka soo bix waayeen.Waxuu ka codsaday in Somalia badbaadiyaan oo ka illahiyaa in Somalia madax ka noqdaan dad lacag logu soo doortatay.Haddi aad soo doorataan dad sharaftoo lacag ku gadanahaya-  Somalia waa  loo baqaa.

Waxuu ku celceliyey :Madax dhaqameedoo addinga Somalia u harey "Soo doorta dad aan lacag wax wax ku dooraney."

Keymedia.net  – Boston

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.