KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dhibaatadaan oo keentay Murug aan Qiyaas laheyn ayaa waxay ku habsatay Eheladii 13 Tahriibayaal Soomaali iyo Eritran isugu jira oo ay asalkoodu ka soo ambabaxeen Magaalo Madaxda laga abaabuloo Tahriibka, Bossaso ee Bariga Soomaaliya.
Dhalinyaradaan oo meelo badan soo maray ayaa Aakhirkii Burcadii Doonta waday waxay ku daadiyeen Xeebta Talyaaniga Gobolka Siciliya, ku aadka Magaalada Raguusa.
Geerida Tahriibayaalka ayaa lagu sheegay 13 Rag ah, kuligoodna ay ahaayeen dhaliyaro inkastoo ay jiraan kuwe kale oo ay Badda Laqday.
![]()
![]()
Ciidamada NATO ayaa Dhaqaale farabadan ku siiyaan Maamulka C/ramaan Faroole si uu u hakiyo Taribka laga soo abaabulo Degeenka u ka taliyo, waxaase la sheegay in ay Bossaso noqotay meel bar u ah Taribayaalka Geeska Afrika.
Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.