Soomaali lagu xirxiray koonfurta Suudaan

JUBBA(KEYDMEDIA) Iyadoo dhawaantan uu aad u badanayay socdaalka ay dadka Soomaaliyeed ku taagayaan dhanka koonfureed ee Suudaan oo bisha soo socota dowlada madax banaan looga dhawaaqi rabo ayaa waxaa soo ifbaxday in halkaasi dad lagu xirxiray.
Warar Keydmedia Online

Wararku waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu xiray ilaa 70 ruux oo Soomaali ah kadib ay ciidamada reer koonfureedka halkaasi ka sameeyeen howl galo ay kula dagaalamayaan soo galootiga aan sharciga wadan.

Dadka la xiray ayaa waxaa iminka lagu hayaa saldhig ciidan oo ku yaala magaalada caasimada ah ee Jubba, waxaana ay bilaabeen soomaalida halkaasi ku nool in ay dhuumaaleestaan.

Kadib markii la helay warka muujinaya in labada suudaan ay kala go’een ayaa dad badan oo soomaali ah waxa ay damaaciyeen in koonfurta Suudaan ay ka sameestaan gobo ganacsi laakiin hamigaasi ayaa u muuqda hada mid caqabad la kulmaya.

 WWW.KEYDMEDIA.NET

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.