Soomaalida oo wacdaro ka dhigtay doorashada Minnesota

Soomaali ay ku jirto Ilhaan Cumar iyo ugu yaran saddex musharax oo kale oo Soomaali ah ayaa guulo kala hoyday doorashada horudhaca ah xisbiga Dimuqraadiga ah ee gobolka Minnesota, kaddib markii ay kasoo adkaadeen musharraxiintii kale ee la tartamayay.

Warar Keydmedia Online
Soomaalida oo wacdaro ka dhigtay doorashada Minnesota

MINNEAPOLIS - Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa si dirqi ah ugu guuleysatay tartanka hordhaca ah ee Congress-ka Mareykanka -  is-reebreebka xisbiga Dimuqraadiga ah ee gobolka Minnesota oo ay kula tartamaysay Xubin hore oo ka tirsan Golaha Degaanka Minneapolis ahna u doodaha badbaadada bulshada Don Samuels.

Ilhaan Cumar ayaa heshay 51 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, halka Samuels uu helay 48 boqolkiiba codadka. "Guusha caawa waxay marqaati u tahay sida ay degmadeenu u aaminsan tahay qiyamka wadajirka ah ee aan u dagaalamayno," ayay tiri Ilhaan Cumar oo dhaleeceyn badan kala kulmaysay Soomaalida maalmihii danbe.

Ilhaan oo tartamaysa markii saddexaad, ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah iyo qaxooti ah oo loo doorto Congress-ka Maraykanka 2018, 39 sano jirtaan ayaa la tartami doonta Cicely Davis oo ah musharraxa xisbiga Jamhuuriga doorashada guud ee Sideedda November, kaasoo la rumeysan yahay in uusan dabyar shidi doonin.

Dhanka kale, Zaynab Maxamed oo iyana Soomaali ah ayaa hal tallaabo u jirta inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee Madow ah iyo qofkii ugu da'da yaraa ee ka mid noqda Senetka gobolka Minnesota, kadib markii ay ka adkaatay murashaxii la tartamayey isreeb-reebka doorashada hordhaca ah ee DFL, Todd Scott.

Zaynab, oo ah 25 jir deggan Minneapolis, ayaa Todd Scott ku garaacday 68 boqolkiiba codadka la dhiibtay, Zaynab waxay wajihi doontaa Shawn Holster oo ka socda Jamhuuriga doorashada guud ee Noofembar, hayeeshee degmada 63-aad codbixiyeyaashu waxay had iyo jeer doortaan murashaxiinta Dimuqraadiga.

Sidoo kale, Senator-ka gobolka Cumar Faatix oo isna Soomaali ah ayaa si fudud ugu guuleystay doorashadii isreebreebka ee xisbiga Dimuqraadiga-Farmer-Labor, wuxuu u gudbay doorashada guud ee 8-dda November, isagoo la tartami doonaa musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee Andrew Schmitz oo sanadkaan isha lagu hayo.

Samakaab Xuseen ayaa isna ku guuleystay doorashada tartanka xildhibaan Aqalka hoose ah, waxaase jira dhallinyaro kale oo guulo gaaray iyo kuwo kale oo guuldarreystay sida Ibrahim Mohamed oo u sharraxnaa gudoomiyaha degmada Scott oo haddii uu guuleysan lahaa ay ka dhignaan lahayd taariikh dadka madow muhiim u ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.