Soomaalida iyo Shirarka Badan // Warbixin

Muqdisho (KON) - Todobadii bishaan aan ku jirno ee May waxaa magaalada London ka dhacay shir balaaran oo looga hadlayay arimaha Soomaaliya, sidoo kalana Soomaaliya dhaqaalo badan loogu aruuriyay.
Warar Keydmedia Online

Shirkaasi wuxuu ahaa mid taariiqi ah oo ay siwada jir ah ay garwadeen kaga ahaayeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaaraha Ingiriiska.

Shir kale oo looga hadlay maalgashiga Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen shirkado badan oo ka shaqeeya maalgashiga iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumada ayaa lagu soo gaba gabeeyay maalintii shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale wadanka Japan waxaa maalinta barito ah ka dhacaya shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo ay si wada jir ah u gudoomin doonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha wadanka Japan, waxaana shirkaasi uu la mid noqon doonaa shirkii London waxaana la filayaa in dhaqaalo loogu yabooho dowlada Soomaaliya.

15-Bisha soo socta ee June madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa balansan magaalada London, waxaana madaxweynuhu uu noqon doonaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo lagu casuumo shirka wadamada G8-ka oo lagu soo hadal qaadi doono arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo u duulauy wadanka Japan ka hor inta uusan ka anababixin magaalada Muqdisho wuxuu magaalada Addis Ababa ee wadanka Ethiopia kaga soo qaybgalay shirka madaxda IGAD iyo Shir madaxeedkii Midowga Afrika oo labada lagu soo hadal qaaday arimaha Soomaaliya.

Aragtida laga qabo shirarkaan tirada badan ee Soomaalida.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa qaba sida ay shirarkaan u badanyihiin inaysan u tayo badnayn, halka qaar kalana ay rajo wanaagsan ka muujinayaan shirarkaan.

Aqoonyahan Xasan Xujaale Garaad oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa sheegay in shirarkaan ay yihiin kuwo muhiim ah oo ku soo aaday xiligii loo baahnaa.

Wuxuu sheegay in shirarkaan ay ka soo baxeen shaqaalo badan oo loogu yaboohay Soomaaliya iyo kuwo hada loogu yabooyahyo, shaqaalaahina uu wax badan ka tarayo howlaha dowlada.

Dhanka kale fakir ka duwan ayaa waxaa qaba Aqoonyahan Suldaan Cali Xasan oo ka mid ah Aqoonyahada Soomaaliyeed isla markaana degan wadanka Sweden, wuxuuna u arkaa in balanqaadyada hay’adaha maalgashiga iyo balanqaadyada ay sameenayaan dowladaha aysan sidii loogu talagalay ayan u hirgali karin hadii dadka Soomaaliyeed aysan noqon kuwo u diyaarsan in ay ayagu bilaan hormarka dalka iyo maalgashiga.

Sidoo kale Aqoonyahankaan ayaa qaba in amaanka uu yahay waxa wax kasta ka horeeya, wuxuuna sheegay hadii aanan la helin amaan inaysan waxba socon karin xiligaan.

Dad badan ayaa xiligaan aaminsan in caalamku uu wax la wado Soomaaliya oo uu doonayo in xasisho hadana su’aasha hortaala oo ay iswaydiinayaan waxa ay tahay halka ay wax ka socon la’yihiin maadaama shirarka la qabto mar walba aysan ka soo bixin wixii laga filayay.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.