Soomaaliya oo qarka u saaran xaalad khatar leh

Madaxa UN OCHA ayaa Khamiistii booqday Muqdisho, isagoo la kulmay Xasan Sheekh oo ay kawada hadleen sidii loo badbaadin lahaa nolosha Malaayiin qarka u saaran Macluul inay u dhintaan.

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya oo qarka u saaran xaalad khatar leh

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya waxaa soo food saartay macluul aad u daran, iyadoo dalku uu halakeeyay abaarta ba’an ee ka sii dareysa ee ka jirta Geeska Afrika. 7.8 milyan oo qof ayaa soo wajahday cunto yari ba'an iyadoo ay jirto xaalad qalalan muddo 40 sano ah, ka dib saddex xilli oo roobaad oo xiriir ah oo baaqday.

Madaxa UN OCHA Martin Griffiths ayaa Khamiistii booqday Muqdisho, isagoo la kulmay Xasan Sheekh oo ay kawada hadleen sidii loo badbaadin lahaa nolosha Malaayiin qarka u saaran Macluul inay u dhintaan.

Sababta Martin Griffiths u yimid Muqdisho ayaa la sheegay inay tahay inuu lasoo tashado Madaxda dalka, kahor inta UN-ka ku dhawaaqin Macluul inay ka jirto dalka, una baahan yahay gurmad deg deg.

Dadka ku nool gobollada Koonfurta iyo bartamaha ayaa ah kuwa ugu badan ee abaartu ay saameysay, kadib markii xoolihii ay dhaqan jireen, ee noloshooda ku tiirsanayd iyo dalagii beeraha ay baaba'een.

Dowladda Soomaaliya iyo UN-ka ayaa sheegay in Roobka Deyrta sanadkan aan la filaynin inuu si wanaagsan u da'o, taasoo ka dhigaysa in sanadkii 5aad aan dalka helin roob lagu diirsado, oo dadka iyo duunyada ku baahi bixi karaan.

Gargaarkii la keenay Muqdisho ayay dowladda gaarsiin waysay meelaha qaar, sababo amni iyo in Al-Shabaab looga baqay inay beegsato gaadiidka mucaawinada wada iyo shaqaalaha la socda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Maclin Fiqi, ayaa dhawaan ugu baaqey Al-Shabaab inay jid-gooyadda ka qaado gargaarka bini'aadanimo ee loogu tala-galay in lagu badbaadiyo shacabka dhibaateysan.

Hay'adaha gargaarka waxay sheegayaan in qeyb kamid ah Shacabka Soomaaliya ay gaajeysan yihiin, islamarkaana hadii aan la gaarsiin gargaar waqtigii loo baahnaa ay ka dhalan karto dhimasho badan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.