Soomaaliya way jilicsan tahay wax kastaa ka dhici kara hadii doorashada waqtigeeda lagu qaban

Qof kasta kursiga waa uu jecel yahay, hadii mudo-korarsi la iska ogolaan lahaa, waxaa joogi lahaa dhamaad madaxdii hore, laga soo billaabo C/llaahi Yuusuf, ayuu yiri Sheekh Shariif.

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya way jilicsan tahay wax kastaa ka dhici kara hadii doorashada waqtigeeda lagu qaban

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa ka digay dagaal ka dhaca dalka, hadii uusan Farmaajo ku qaban doorashooyinka waqtigii lagu ballamay ee 2020-2021.

Isagoo ka hadlayay Shirka Wadatashiga Mudullood, ee Maanta ka furmay Mowlaca Maclin Nuur ee Muqdisho, ayuu Sheekh Shariif ka sheegay inaysan caddeyn Farmaajo inuu doorasho qaban doono.

Wuxuu xusay in dowladda haatan jirta ay u hartay 5 bilood, islamarkaana muuqan nooc doorasho oo heshiis lagu yahay, iyadoo bisha November ee sanadkan, oo la rabey in la doorto Xildhibaanada cusub.

Farmaajo ayuu ugu baaqey inuu qabto doorashadii suurta-gal ah, si wadanka looga bad-baadiyo inuu ku laabto halkii uu ka yimid, isagoo hoosta ka xariiqay in dhibkii dhaca ay mas’uuliyada qaadan doonto DF.

“Shan bilood baan dhiman, doorasha la galayo lama yaqaano, aniga waxaan leeyahay doorashadii suura-gal ah hala qabto, sababtoo ah wax kastaa dhici kara, dalka waa jilican yahay,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif wuxuu tilmaamay inaysan ka aqbali doonin Farmaajo kursiga inuu isaga fadhiyo hadii uu waqtigiisa dhamaado, isagoo ku mar-marsiyoonaya “waxaan qabanayaa doorasho qof iyo cod ah”.

Hadii xitaa la siiyo Madaxweyne Farmaajo mudo 20 sano, ayuu Sheekh Shariif sheegay inuusan qaban karin doorashadda uu ku riyoonaya, maadaama an la haynin amni, dhaqaale iyo tiro-koob shacab.

“Hadii aad aragtid qof kursiga isku dhejinaya, mas’uuliyad kama fekerayo,” ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekh Sheekh, oo tusaale usoo qaatey in xiligiisii diiday mudo-korarsi, isagoo u turay xaalada dalka.

Shirka oo kulmay mucaarad iyo muxaafid waxaa ka qeybgalay madax hore sida Cali Mahdi, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, iyadoo inta badan khudbadaha diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.