Soomaaliya oo la wareegeysa Maamulka Hawada dalka & Somaliland oo diidan

Muqdisho (KON) - Wasiirka Duulista Hawada ee DFS, Siicid Jaamac Qoosheel ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda ay dhawaan si rasmi ah ula wareegi doonto Maamulka Hawada dalka Soomaaliya, kaasi oo in mudo ah maamulaysa QM.
Warar Keydmedia Online
Soomaaliya oo la wareegeysa Maamulka Hawada dalka & Somaliland oo diidan

Wuxuu sheegay in ay kawada hadleen QM sidii Xafiiska Nairobi dib loogu soo rari lahaa magaalada Muqdisho, oo lagu wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dhanka kale uu tilmaamay in Maamulada dalka sida Somaliland aysan arintaasi waxba ka qeseyn.

“Sharciyadda Maamulka dalka waxaa iska leh Dowladda Soomaaliya, waxaana ku kalsoonahay in Shacabka Somaaliyeed ay ka heshiin karaan qeybsiga Kheyraadka dalka, sida Hawada & Badda,” ayuu yiri Wasirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Wadahadalada Soomaaliya & Maamulka Somaliland aysan Tallaabadan waxba u dhimeyn, isagoo hoosta ka xariiqay in Kulanka Turkiga dhawaan ka dhacay la isku afgartay in Xafiiska lasoo raro.

Hay’adda lagu magacaabo Civil Aviation Caretaker Authority of Somalia (CACAS) oo hoostagta UNDP ayaa tan iyo 1996 maamuleyay Hawada dalka Soomaaliya, iyadoo qaadanaysay Lacagta lagu Canshuuro Diyaaradaha mara Hawada dalka.

Bishii December ee lasoo dhaafaya ayay ku heshiiyeen Wasiir Cabdullahi Cilmooge Xirsi ee Xukuumaddii RW hore ee DFS “Saacid” & UNDP in Shaqaalaha & Xafiiskaba loo soo rarao Muqdisho, si halkaasi loogu canshuuro Diyaaradaha oo Dhaqaalahana DFS u maamusho.

Dhanka kale, Maamulka Somaliland ayaa sheegay in haddii Xafiiska Maamulka Hawada Soomaaliya la keeno Muqdisho, ay taasi micnaheedu tahay in lagu xadgudbayo Heshiiski Bishii July 3, 2013 ay Labada dhinac kuwada saxiixdeen Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Heshiiska Istanbul ayaa dhigaya in Soomaaliya & Somaliland ay si wadajir ah u maamulaan Hawada, iyadoo Xafiiska laga furayo Magaalada Hargeysa.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.