Soomaaliya waa Hodan | Cadaado: Hormarka laga gaaray Beeraha Xili Roobaadka // Daawo

Cadaado (KON) - Waxaa Sanadkaan Beeraha Deegaanada Maamulka Ximan iyo Xeeb ee Bartamaha Soomaaliya ka soo go’ay Dalagyo kala duwan oo ka badan tii Sanadkii hore.
Warar Keydmedia Online

Waxaa Sanadkaan laga hirgaliyay Deegaanada Maamulka goboleedka Ximan iyo Xeeb Beero badan, wexeyna Magaalada Cadaado kamid tahay meelaha inta badan ay kasoo go’aan nuucyada kala duwan ee Qudaarta.

Maswirradaan aad Hoos ka Daawan kartit, waxaa laga soo qaaday Qaar kamid ah Beeraha ku yaala Magaalada Cadaado, waxaana laga arkayaa Nuucyada kala duwan ee Miraha la beero oo ah kuwo Sanadkaan si weyn usoo go’ay.

Dalagyada sanadkan soo go’ay ee suuqyada magaalada la geeyay ayaa waxaa ka mid ah, Yaanyada, Baradhada, Saytuunka, Basasha, Karootada iyo kuwo kale, waxaana dadka deegaanku ay u arkaan arrin sara u qaadaysa horumarkooda.

Masawiradaan waxaa soo qaaday Axmed Sh Jage oo Cadaado ku sugan.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.