Swan oo ka digay xaaladda abaaraha Soomaaliya

Intii uu ku jiray hadal-jeedintiisa James Swan wuxuu ugu baaqay deeq-bixiyayaasha in ay kordhiyaan maalgelinta, halka uu dhinacyada maxalliga ah u soo jeediyay ka shaqeynta sidii loo fududeyn lahaa in gargaarka bani'aadannimo gooro goobihii uu u socday.

Warar Keydmedia Online
Swan oo ka digay xaaladda abaaraha Soomaaliya

New York  - Soomaaliya waxa ay haatan wajaheysaa dhibaatooyin bani’aadannimo oo ka dhashay abaarihii ugu xummaa ee muddo ugu yaraan afartan sano ah.  Qiyaastii 7.8 milyan oo Soomaali ah oo ah ku dhawaad kala bar qiyaasta dadka ayey saameeyeen abaaruhu.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo Arbacaddii warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya u jeedinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaaliya qarka u saaran tahay mucluul daran.

Inkastoo tirada dadka ay wax gaarsiiyeen hay'adaha gargaarka ay afar jibaarmeen tan iyo bishii Jannaayo, haddana waxaa loo baahan yahay in sare loo qaado gargaarka, sida uu sheegay xafiiska isku duwidda gargaarka bini'aadannimada ee Qaramada Midoobay.

Intii uu ku jiray hadal-jeedintiisa James Swan wuxuu ugu baaqay deeq-bixiyayaasha in ay kordhiyaan maalgelinta, halka uu dhinacyada maxalliga ah u soo jeediyay ka shaqeynta sidii loo fududeyn lahaa in gargaarka bani'aadannimo gooro goobihii uu u socday.

“Iyadoo baahida marba mar ka sii dareysa ay sii kordheyso iyo xilli roobaadkii shanaad oo la saadaalinayo in uu baaqdo, waxaa lagama maarmaan noqonaysa in sare loo qaado kaalmada, waxaan ku baaqayaa in la fududeeyo gaarsiinta kaalmada” ayuu yiri Swan.

Bishii Juun, Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sii daayay $350 milyan oo ah deeq horumarineed oo loogu talagalay Soomaaliya. Deeq-bixiyeyaal kale ayaa dib u billaabay kabiddii miisaaniyadda ee dalka si loo joogteeyo dadaallada dib-u-habeynta dhaqaale.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.