Swan oo ka hadlay go’aanka Puntland iyo Jubbaland

Wuxuu Egayga ku tilmaamay tallaabada mid loo qaadey dhanka wanaagsan, islamarkaana wax badan ka bedelayso khilaafkii ka taagnaa doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Swan oo ka hadlay go’aanka Puntland iyo Jubbaland

JOWHAR, Soomaaliya - Isagoo ku sugan Jowhar, ayuu Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan maanta soo dhoweeyay horumaradii ugu dambeeyay ee la xiriira doorashooyinka qaran ee dalka.

“Waan ku faraxsanahay inaan arko bayaanka saaka ka soo baxay Jubaland iyo Puntland, ee dhawaaqista xubnaha ku matelaya Gudiga Heer Maamul Goboleed, ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, waa go'aan soo dhaweyn leh oo loo qaadey dhinac xalka ismariwaagga doorashadda," ayuu yriri Swan.

Waxuu kaloo sheegay in uu la tashan doono Wakiiladda kale ee Beesha Caalamka, islamarkaana ay kasoo saari doonaan Saacadaha oo aadan jawaab wadajir ah oo ku saabsan magacaabista Xubnihii laga sugayay labada Maamul Goboleed.

Ergeyga wuxuu ka hadlayey kulan ay warbaahinta wada jir ugu qabteen isaga iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Magaaladda Jowhar, kaasoo uga hadleen arrimaha doorashooyinka dalka.

Swan ayaa mudooyinkii dambe safar ku marayaya gobollada dalka, isagoo booqday Baydhabo, Dhuusamareeb, Garowe iyo Jowhar, waxaana u dhiman Kismaayo, oo dhawaan uu tagi doono.

Kadib cadaadis uga yimid Beesha Caalamka, ayaa la sheegay in Jubbaland iyo Puntland ku qasabtay inay soo magacaabaan Xubnaha ugu matelaya Gudiga Doorashadda, oo horey u diideen, iyagoo ku xiray shuruudo adag, oo ay kamid yihiin in Ciidanka DF laga soo qaado Gedo iyo in lakala diro Gudiyadda doorashooyinka uu Rooble magacaabey December 2020.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.