Swan oo xaaladda dalka uga warbixiyay Gollaha Amaanka

Swan ayaa u sheegay Gollaha Amaanka in Soomaaliya ay mareyso meel xasaasi ah, islamarkaana uu taagan yahay khilaaf adag oo ku saabsan doorashadda oo Farmaajo caqabad ku noqday in la qabto watigeeda.

Warar Keydmedia Online
Swan oo xaaladda dalka uga warbixiyay Gollaha Amaanka

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga QM James Swan ayaa Maanta warbixin ku saabsan Xaaladda Soomaaliya u siiyay Gollaha Amaanka, oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda dalka.

Swan ayaa u sheegay Gollaha Amaanka in Soomaaliya ay mareyso meel xasaasi ah, islamarkaana uu taagan yahay khilaaf adag oo ku saabsan doorashadda oo Farmaajo caqabad ku noqday in la qabto watigeeda.

Ergayga QM ayaa sheegay in khilaafka iyo xiisadda siyaasadeed ee sii kordhaya ay halis gelinayaan dedaallada dib u dhiska Soomaaliya iyo soo celinta amniga oo ay ka qeyb-qaadanayaan dowlado badan.

Mar uu ka hadlay doorashadda, wuxuu Swan sheegay in aan la aqbali doonin hanaan is dhinac socda, go'aanno iska soo hojeeda iyo dib ugu noqosho heshiiskii Sep 17, isagoo ku baaqay in horey loo sii socdo, lana qabto wadahadal.

Gollaha Amaanka ayaa lagu wadaa inay qoraal kasoo saaraan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashadda oo la isku mari la'yahay wali, iyadoo dhinacyada ay sii kala fogaanayaan marba marka kasii dambeysa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.