TACSI: Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun, waxaa magaaladda London ee dalka Ingriiska ku geeriyooday marxuum Adnaan Yasiin Sheekh Cali 

Warar Keydmedia Online
TACSI: Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Marxuumka oo ahaa wiil dhalinyarro ah oo jeclaa in uu bulshada waxtaro ayaa Magaalada Londonlagu soo aasay shalay oo aheyd Khamiis. 

Waxaa Tacsidaan tiiraanyadda leh diraya Yasiin Sheekh Cali iyo dhamaan reer Sheekh Cali, Aamina Sheekh Cali, Maxamed Yasiin Sheekh Cali, Axmed Yasiin Sheekh Cali, Cabdiwahab Yasiin Sheekh Cali, Fuaad Yasiin Sheekh Cali, Liibaan Yasiin Sheekh Cali, Hanad Yasiin Sheekh Cali, Cabdullahi Yasiin Sheekh Cali, Deeqo Yasiin Sheekh Cali, Ilhaan Yasiin Sheekh Cali, Najmo Yasiin Sheekh Cali, Nasteexo Yasiin Sheekh Cali. Sidoo kale Axmed Faradeed iyo dhamaan reer Faradeed.

Marxuum Adnaan Yasiin Sheekh Cali ayaa ka tagay Xaas iyo Ilmo. 

Agaasimaha Warbaahinta Keydmedia Online Cali Saciid Xassan iyo Shaqaalaheeda ku kala sugan dunida daafaheeda waxay tacsi tiiraanya leh hawada u marinayaan guud ahaan Ehaladii uu ka geeriyooday Marxuum Adnaan Yasiin Sheekh Cali.

Sidoo kale waxaan illahey Subxaanulwatacaala ah ka baryeenaa in Eheladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyootay Marxuumka Samar iyo Imaan ka siiyo, murugtaasnah Illahey ugu badalo Ajar iyo Xasanaad.

Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.