TACSI: Innaalillaahi wa innaa Ilaahay Raajicuun

Anigoo ah dadka magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, waxaan tacsi u dirayna qoyska , eheledii, asxaabtiisi meel kasta oo ay kala joogaan uu ka geeriyoday marxuum Ahmed Jama Abdulle (Gengeli) oo ku geeriyoday Magaalada San Hose ee gobolka Kalifroniya ee dalka Maraykanka 02-03-2011.
Warar Keydmedia Online

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu Janadii ka warabiyo damanteena samir iyo imaan Alle ha inaga siiyo. Ina Li Laahii wa ina Ilahay Raajicoon.

Marxuum Ahmed Jama wuxuu ahaa nin caan ah, wadani ah; waxna ku bartay Sudan, Cadan, iyo dalka Ingriiska. Marxuum Ahmed wuxuu soo qabtay xilal badan oo kala dawan sida DC, Governor, Agassime Guud, Danjiraha Soomaliyeed dalka Ingriiska iyo Jarmankaba. Sanadihii dambe, marxuum Ahmed Jama wuxuu qabtay Jagada Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaliya.

Generaal, Mohamed Ali Samanter
Abdillahi Ahmed Addou
Jama Ali Jama

Ahmed Suelman Abdalla
Mohamed Abdi Hashi
 Abdillahi Mirreh
Mohamed Mohamoud Khawi
Danjire Mohamoud Haji Noor

Danjire Mohamed Mohamoud Geraad
Danjire Ibrahim Haji Musa
Danjire Ahmed Abdi Hashi hashara
Danjire Abdillahi Saeed Osman
Danjire Ali Haji Hashi
Danjire Ahmed Mohamed Darman
Abdillahi Hersi Muse
Ali Awl
Ismail Ali Geeldoon
Ali Said Hassan
Abdirahman Haji Noor (Shagaxle)

Geeridu waa xaq, nin roon ma raago, nafani maalinkeeda dhaafi meyso, bahda keydmedia.net waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii qaraabadii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Ahmed Jama Abdulle (Gengeli) (AUN).

W/Q: Danjire Ahmed Abdi Hashi - Hashara

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.