TACSI: Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Stockholm (KON) - Waxaa Xalay oo ay Taariikhdu aheyd April 19, 2013 Magaalada Stockholm ee Dalka Sweden ku geeriyootay Marxuumad Faadumo Maxamed Hirmooge.
Warar Keydmedia Online

Marxuumada ayaa aheyd Xaaskii Dr. Maxamed Cali Xirsi oo mar ahaa Guddoomiyihii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Warbaahinta Keydmedia Shaqaalaheeda ku kala sugan dunida daafaheeda waxay tacsi tiiraanya leh hawada u marinayaan guud ahaan Ehaladii ay ka geeriyootay Marxuumad Faadumo Maxamed Hirmooge gaar ahaan Dr. Maxamed Cali Xirsi oo ku sugan Magaalada Stockholm ee Dalka Sweden.

Sidoo kale waxaan illahey Subxaanulwatacaala ah ka baryeenaa in Eheladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyootay Marxuumada Samar iyo Imaan ka siiyo, murugtaasnah Illahey ugu badalo Ajar iyo Xasanaad.

Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Keydmedia Online - Xafiiska Stockholm

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.