Taliska Ciidanka XDS oo codsi u gudbiyay Wasiir Fiqi

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay saraakiisha uu hoggaaminayay Generaal Odowaa, isagoo la wadaagay qorshaha Wasaaradda ee la xiriira Arrimaha Gargaarka, Xasillinta iyo ka jawaabista dhammaan baahiyada adeeg eeka jira degaannada la xoreeyay.

Warar Keydmedia Online
Taliska Ciidanka XDS oo codsi u gudbiyay Wasiir Fiqi

MUQDISHO, Soomaaliya -  Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale ayaa maanta yeeshay kulan diiradda lagu saaray dadaallada dib u xorreynta ee ka socda dalka.

Generaal Odowaa ayaa uga war-bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, halka ay marayaan howlgallada dib u xorreynta ee socda, baahiyada uu ku arkay degaannada la xoreeyey, sida dadka loo caawin karo iyo qorshaha xasillinta talisku Ciidanka xoogga dalka dajiyeen.

Odowaa wuxuu sheegay in ay diyaariyeen ciidan, gaadiid iyo dhammaan tashiilaadka kale ee dadka iyo degaannada looga hor wareejinayo Kooxda Al-Shabaab, laguna gaarsiinayo gargaar iyo dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin bulshada aadka u nugul.

Taliyaha ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ka dalbaday in ceelal biyo, raashiin, dawo iyo adeegyo kale loola diyaargaroobo dadka ku nool degaannada ay ciidamadu ka saaraan Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay saraakiisha uu hoggaaminayay Generaal Odowaa, isagoo la wadaagay qorshaha Wasaaradda ee la xiriira Arrimaha Gargaarka, Xasillinta iyo ka jawaabista dhammaan baahiyada adeeg eeka jira degaannada la xoreeyay.

Fiqi ayaa sheegay in Wasaaradda oo kaashaneysa hey’adaha gargaarka ay meeleeyeen, isla-markaana diyaariyeen qodista ceelal biyood, raashiin qeybin degdeg ah, sameynta iskuulo,  isbitaalo cusub iyo baahiyada kale ee ka jirta degaannada laga saaray Al-Shabaab.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhisay guddi si wadajir ah uga shaqeeya isku xirka howlaha socda, si uusan hakad u galin gurmadka dadka abaaruha iyo amni darradu saameeyeen eek u dhaqan goobaga howlgalladu ka socdaan.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.