KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Xaflada lagu dhaarinayay Taliyaasha Booliiska iyo Nabadsugida ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilkaxanaf ayaa dhaariyay saraakiisha cusub kuwaasi oo ku dhaartay inay dalkooda iyo dadkooda wax uqabanayaan si daacad ahna ugu shaqeynayaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dhaarinta isaga oo ku dheeraaday dar-daaran ujeedinta saraakiisha cusub ee hogaanada looga dhigay Booliiska iyo Nabadsugida Soomaaliya.
Wuxuu kula dar-daarmay saraakiisha cusub inay si qaran ugutaan waajibaadka la saaray ayna la yimaadaan isbedel wanaagsan oo ku aadan hanaanka ciidanka masuulka looga dhigay iyo sugidda amniga Muqdisho.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.