Taliye booqday Ciidanka J/Hoose

Janeral Cabaas ayaa tagey deegaanada Buula gaduud iyo Baarsanguuni ee Gobolka jubbada Hoose, isagoo u kuurgalaya xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada.

Warar Keydmedia Online

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka dhulka Janeraal Cabaas Amiin, ayaa maanta kormeer ku tagay furimaha hore ee dagaalka oo ku yaalla waqooyiga Kismaayo, isagoo la kulmay Ciidanka fadhiya Buula gaduud iyo Baarsanguuni ee Gobolka jubbada Hoose, halkaas oo mudooyinkii dambe ka dhacayeen weeraro Askari Mareykan ah lagu dilay.

Jen. Cabaas ayaa sheegay in Ciidanka ay hayaan howl culus, oo qaranka ugu adeegayaan, isagoo intaas ku daray inay dawladda diyaar u tahay inay siiso agabka iyo xaquuqdooda asaasiga ah, si ay ugu guuleystaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.