KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wasiiru dowalaha ayaa sheegay in dadka xiran su'aallo la waydiinayo, islamarkaana Maxkamd la horkeeni doono maalmaha soo socda.
MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in dhowr qof loo xiray dilkii xalay gudoomiyihii degmada Hodon C/xakiin Dhagajuun loogu geystay magaaladda Muqdisho.
Farxaan Cali Axmed, oo ah Wasiiru dowlaha Amniga DF ayaa sheegay in dadka loo xiray falkan ay ku jiraan taliyeyaasha booliska Hodon iyo Howlwadaag, kuwaasoo loo maleynayo inay wax ka ogaayeen dilka.
Dhagajuun ayaa rasaas lagu furay Gaari uu saarnaa xili saqdii dhexe xalay isagoo marayay wadada Aadan Cadde iyo Isgoyska Howlwadaah u dhaxaysa, taasoo uu ku dhintay islamarkiiba.
Saacado kahor ayuu kasoo laabtay Turkiga oo dhaawac kasoo gaarey qarax lala eegtay November 2020 looga soo daaweeyay kahor inta xalay lagu dilay Caasimadda, isagoo ku baxay gacanta dowladdii uu u shaqeynayay.
Inta la ogyahay mas'uuliyiintii gobolka Banaadir ee la dilay oo uu ku jiro Eng Yariisow ma jirto qof maxkamad loo soo taagey, waxaana kiiskooda lagu xiraa isla marka la aaso. Waxaa jira tuhunno badan oo ku saabsan in dilalka ay yihiin kuwa siyaasadeysan.
Banaanbax looga soo horjeedo dilka Dhagajuun ayaa Maanta ka dhacay Caasimadda, iyadoo loogu baaqey dowladda inay si deg deg ah Cadaaladda kahor keento kuwii falkan argagaxa leh ka dambeeyay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.