KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ilaa xilligan waxaa si rasmi ah loo ogayn tirada rasmiga ah ee dagaalka ku geeriyootay ama ku dhaawacantay, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka u dhaxeeya labada dhinac.
GURICEEL, Soomaaliya - Waxaa dagaal rogaal celis ah oo ay Ahlu Sunna ku soo qaaday Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ku geeriyooday taliyeyaal sare iyo askar katirsan dowladda Soomaaliya.
Taliyihii Ciidanka Danab ee Galmudug Gaashaanle Cabdi-ladiif Axmed Culusow (Fayfle) iyo Laba Xidigle Aadan Ibraahim Aadan oo ahaa Taliyaha Horinta 3aad ee Ururkaas 5aad ee GorGor ayaa lagu dulay dagaalka Guriceel.
Ururka Ahlu Sunna ayaa weerartay magaaladda gabal dhicii maanta, taasoo ay Ciidanka Galmudug iyo kuwa dowladda ay si buuxdda ula wareegeen gacan ku heynteeda saakay.
Dagaalka ayaa ahaa mid xoogan, waxaana ku geeriyootay tiro fara badan oo labada dhinac ah, iyadoo dadka geeriyooday ay kamid ahaayeen taliyeyaal sare iyo askar dhalinyaro ah.
Ahlu Sunna ayaa sidoo kale dagaalka ku qabsatay mid ka mid ah gawaarida taliyaha qeybta 21-aad Jen Mascuud, waxaana gaarigan uu ahaa kuwa aan xabadu karin.
Waxaa dagaalka dadka ku dhaawacmay ka mid ah taliye ku xigeenka Ciidamada Haramcad Maxamed Cabdalla iyo taliyaha Ururka 5-aas ee kumaandoosta Gorgor Maxamed Dhagaweyne.
Xaaaladda Guriceel ayaa caawa ah mid aad u kacsan, waxaana go'ay inta badan korontada xaafadaha Degmada, wallow shacabka badankiisu uu barakac ku joogo duleedka degmada.
Ilaa xilligan waxaa si rasmi ah loo ogayn tirada rasmiga ah ee dagaalka ku geeriyootay ama ku dhaawacantay, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka u dhaxeeya labada dhinac.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.