KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray wareegto isku shaandheyn loogu sameynayo taliyayaasha saldhigyada degmooyinka gobolka Benaadir.
MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar kamida taliyayaasha saldhigyada dagmooyinka gobolka Benaadir ayaa isku shaandheyn lagu sameeyay, iyadoo lagu guda jiro xilli kala guur ah oo dalku doorasho gali rabo.
Isbadalka ayaa yimid iyadoo magaalada Muqdisho uu ka socdo shir looga tashanayo arrimaha doorashooyinka dalka, haddaba halkan ka akhriso magacyada taliyayaasha cusub ee loo magacaabay saldhigyada degmooyinka gobolka Benaadir:
Magacaabista taliyayaasha cusub oo qaar kamida laga soo wareejiyay saldhigyo hore ayaa imaanaysa xilli loo diyaar garoobayo doorasho, iyadoo inta badan xilliyadan oo kale magacaabista iyo xil ka qaadista laamaha ammaanka ay keeno shaki weyn iyo isku day ka dhan ah nidaamka dowladnimo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa saxiixay wareegto uu ku tilmaamayo awoodda madaxweynaha iyo xilliga kala guuurka isagoo sheegay in aan magacaabis iyo xil ka qaadis midna uusan sameyn karin madaxweynuhu, inkastoo magacaabistan uu sameeyay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
KEYDMEIDA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.