TALO MAQAATE: M/Weyne XS MAXAMUUD

Warsidaha Keydmedia Online wuxuu lix bilood iyo barkii la soo dhaafay daabacay ku dhawad 20 warbixin oo Madaxweynaha looga codsaday inuu gacan-ku-gambadka ka baxo, runta wajaho, yeelkeede madaxweynuhu wuxuu u muuqdaa talo-diid kaligi yaqaan ah.

Warar Keydmedia Online
TALO MAQAATE: M/Weyne XS MAXAMUUD

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Xasan oo ka mid ah siyaasiyiinta waaya-joogga ah ee dalka wuxuu ugu horreeyay xilligi doorashada musharrixiintii shacabku sida gaarka ah uga filayeen inuu xal u heli doono mushkiladaha is biirsaday ee ka aloosan dalka.

Xasan waxaa lagu tabayay in garaad siyaasadeed iyo odaytannimo Dowladeed u siyaadday intii uu xilka ka maqnaa, hayeeshee lix bil kadib doorashadiisii, wuxuu u muuqdaa inuu kaliya diiradda saaray dagaalka gobollada ka socda howlaha kalana uu indhaha ka xirtay.

Xasan waxaa laga filayay inuu ugu horreyn xasiliyo Muqdisho, inuu kala shaandheeyo hoggaanka hay’adaha amniga ee Al-Shabaab-ka ku milan, inuu la xisaabtamo kuwii danbiyada dalka, hayeeshee intaasba ma sameyn oo jidkii Farmaajo ayuu cagta saaray.

Warsidaha Keydmedia Online wuxuu lix bilood iyo barkii la soo dhaafay daabacay ku dhawad 20 warbixin oo Madaxweynaha looga codsaday inuu gacan-ku-gambadka ka baxo, runta wajaho, yeelkeede madaxweynuhu wuxuu u muuqdaa talo-diid kaligi yaqaan ah.

Hoos ka aqriso talooyinkii KON ee dareenka shacabka ka turjumayay.

15 May 2022 – Maalintii dib loo doortay KON waxa ay daabacday warbixin ciwaankeedu yahay, “Xasan Sheekh cashar haka barto qaladaadkiisa hore” taas oo loogu sheegay in ka fogaado bohollihii uu ku dhacay intii uu xilka hayay 2012-2017, AQRISO.  

16 May 2022 – Maalin kadib doorashadiisii KON waxa ay qortay lixda qodob ee asalka u ah mushkiladda Soomaaliya, kuwaas oo aan xal l heli doonin ilaa si dhab ah loo wajaho, ciwaanka qormadaas wuxuu ahaa “6 qodob oo xujo siyaasadeed ku ah MW Xasan”. AQRISO.

17 May 2022 – KON waxa ay baahisay qoramada “Siduu MW Xasan u maareyn doonaa 5-taan qodob”? taasoo aan ugu sheegnay in kibtaabka cadaaladda kala furo, raadiyo xaqa AUN Ikraan iyo Xildhibaan Aamino is-baddelna ku sameeyo hoggaanka ciidanka. AQRISO.

17 May 2022 – “Xasanow isla-xisaabtanku kala aarsi maaha” ayay qortay KON, waxaana madaxweynaha farta ugu fiiqnay in shaqooyinka hor yaalla ay ugu horreeyaan, la xisaabtanka shaqsiyaad danbiyo waaweyn galay oo Farmaajo ugu horreeyo. AQRISO.

6 July 2022 -  “Xasan dhiig cusub ma ku shubi karaa dagaalka Al-Shabaab”? AQRISO.

21 August 2022 – “XASANOW XAL KEEN – M/weyne mushkiladu waa muuqataa”. AQRISO.

21 August 2022 – “Xasanow dhuumasho Farmaajaa laga diiday ee xal keen”. AQRISO.

4 September 2022 – “Halgankii ma hungobay? – Xasanow xis yeelo”! AQRISO.

4 September 2022 – “Jamaal xarig mooyee xil ma mudna!” AQRISO.

12 October 2022 - Inta Bixii joogo Hiiraan bogsan meyso!! AQRISO.

26 October 2022 – “Xaaska Jamaal: Dhabar jabinta dadaalka Xasan Sheekh”. AQRISO.

28 October 2022 – “5 QODOB: - Maxaa laga bartay dagaalka Al-Shabaab”? AQRISO.

1 November 2022 – “Ma la oran karaa Xasan Sheekh waa Farmaajoobay”? AQRISO.

13 November 2022 - ODAWAA: Wiilkii Farmaajo oo fashilinaya Xasan Sheekh. AQRISO.

6 November 2022 - “Laba kaarla-yaal Fahad Yaasiin uga tagay Amniga Muqdisho”.AQRISO.

18 November 2022 - LAAB-LA-KAC MAYA: XASANOW HALA XISAABTAMO AQRISO.

27 November 2022 - QAYLO-DHAAN: Qoorqoor Galmudug ha laga qabto. AQRISO.

Dhammaan qoraalladaan waxa ay ka turjumayaan gaabis ku aaddan rajadii laga qabay Madaxweynaha, KON waxa ay u daabacday talo ahaan iyo in Madaxweyne Xasan uu qaato doorkiisa hoggaamineed dalkana ka hor leexiyo mushkilada daashatay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.