Tarsan oo Safaaradda dib u furi doono todobaadkaan

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxaa la filayaa in ay todobaadkaan dib u billowdo howsheeda, kadib markii Safiirka Soomaaliya ee Kenya uu dib ugu laabtay Nairobi.

Warar Keydmedia Online
Tarsan oo Safaaradda dib u furi doono todobaadkaan

NAIROBI - Safiirka Soomaaliya ee Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa Khamiisti shalay dib ugu soo laabtay Nairobi, waxaana la filayaa in todobaadkaan dib loo furo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya. 

Tarsan oo ku dhawaad lix billood ku sugnaa Muqdisho ayaa Khamiistii shalay soo gaaray Nairobi, waxaana Safiirka waheliyay xubno ka tirsan Howlwadeeno ka tirsan Safaaradda.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii December xirtay Safaaradda Nairobi, iyadoo laga soo saarey dhamaan diblomaasiyiintii iyo Safiirkii joogay, dibna loogu soo celiyay Muqdisho. 

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii uu Farmaajo jaray xiriirkii Soomaaliya la lahayd Kenya xili dalka uu ku jiro marxalad doorasho, islamarkaana shacabka ay ka sugayaan inuu xukunka si nadiif ah ku wareejiyo.

Safiirkii dowladda Kenya u fadhiyay Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Farmaajo ayaa isagaa ka leh ujeedo olole doorasho bishii Dec. 2020 jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya, isagoo ku eedeyay Nairobi inay si joogto ah ugu xadgudubto madaxbannaanida Soomaaliya. Waxaa dib loo soo celiyay cilaaqdka 5-tii March 2021 kadib markii ay dhexdhexaadisay Qatar.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.