Tarsan: Reer Muqdisho waa mahadsanyihiin

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Max’ud Axmed Nur Tarsan ayaa uga mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho dadaalka wanaagsan ee ay u galeen daryeelka dhibanayaasha Abaarta.
Warar Keydmedia Online

Tarsan waxa uu sheegay in shacabka Muqdisho ay ku guuleesteen in dib u dajin ay u sameeyeen qoysas barakacayaal ah isla markaana ay saameysay abaarta, isagoona tilmaamay in iminka lagu guuleestay dadkaasi cunto joogto ah iyo Hoy KMG ah in ay heleen.

“ Xaqiiqan waxba nooma suurta gali laheyn hadaan sugi laheyn hey’adaha samafalka, laakiin waxaa ammaan mudan shacabka SOOMAALIYEED ee isu taagay in ay is daryeelaan” sidaa waxaa yiri gudoomiyaha gobalka Tarsan.

Arintan ayaa waxa ay ka danbeysay iyadoo maalmahan ay soo baxayeen dadaalo xoog leh oo ay shacabka isugu gurmanayeen  iyadoona shacabka ay yihiin kuwa iskood isu abaabulay oo go’aansaday in ay daryeelaan walaalaha dhibaateysan.

WWW.KEYDMEDIA.NET

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.