Tartan Farmaajo ku lug leeyahay oo ka socda Muqdisho

25-kii December 2021 ayaa xilka laga qaadey Maxamed Xasan Cirro, oo ahaa Gudoomiyaha Gudiga Doorasooyinka Heer Federaal [FEIT].

Warar Keydmedia Online
Tartan Farmaajo ku lug leeyahay oo ka socda Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Muqdisho waxaa ka socda loolan adag oo loogu jira gudoonka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal ee [FEIT], oo doorashadiisa Maanta dhacaysa.

Doorashadda ayaa timid kadib markii 25-kii December 2021 xilka laga qaadey Maxamed Xasan Cirro, oo lagu eedeeyay kala qeybinta Gudiyada iyo musuq-maasuq iyo kaligii-talisnimo.

Afar Musharax ayaa isku soo taagtay qabashadda xilka gudoomiyaha FEIT, waxaana ugu cad-cad Cabdiraxiin Aadan oo Koonfur Galbeed kasoo Jeeda iyo Muuse Geelle oo Puntland kasoo.

Keydmedia ayaa heshay macluumaad sheegaya in Farmaajo, Lafta-Gareen, Qoor-Qoor iyo Guudlaawe ay taageerayaan Musharax C/raxiin Aadan ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Rooble, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa garab taagan Muuse Geelle, waxaana labada dhinac u kala baxeen Farmaajo iyo Mucaaradkiisa oo isku haya kursiga ugu sareeya FEIT.

Labadii jeer FEIT doorashadda qabatay waxaa ku guuleystay Cirro, oo Villa Somalia wadatey, iyadoo haddana muuqata inuu Farmaajo rabo in qof isaga daacad u ah hogaanka qabto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.